Ururka Jaamacadda Carabta oo ku taliyey in talaabo cad laga qaado xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Ururka Jamaacadda Carabta ayaa ku Taliyey in talaabo deg deg ah oo wax looga qabanayo xaalada amaan dalka Soomaaliya, waxaana loo baahan yahay in la qaado tallaabo looga hortago Xarakada Al-Shabaab iyo dagaalyahanda Al-qaacidada ah ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Al Sayid Saciid Al-Saban oo ah Lataliyaha Xoghayaha guud ee Jamaacadda Carabta Amir Musa ee arimaha Afrika ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta oo kaa shaanaysa dowladda Talyaaniga ay doonayaan inay dar dar galiyaan qorsho wax looga qabanayo arimaha amaanka, bini’aadanimo iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Lataliyaha Xoghayaha guud ee Jamaacadda Carabta arimaha Afrika Saciid Al-Saban ayaa wuxuu ku baaqay in la qaado talaabo deg deg ah oo lagu taageerayo dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM si hay’adaha gargaarka ay kaalmo bini’aadanimo u gaarsiiyaan gobolada ay abaaruhu ku dhufteen oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.

Dhanka kale Saciid Al-Saban ayaa wuxuu niyad jab  ka muujiyay natiijadii ka soo baxday shirkii lagu qabtay magaalada London, kaasi oo looga hadlayay arimaha dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey inay jiraan dagaalyahano badan oo ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo ka yimaadeen dalalka Afghanistan iyo Yemen si ay gacan u siiyaan Xarakada Al-Shabaab oo dagaalada kula jirta dowladda KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee hadalka kasoo yeeray Jaamacadda Carabta ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalmihii dambe ay Xarakada Al Shabaab laba laabeen weerarada ka dhanka ah oo ay ku qaadayaan fariisimaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: