Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in lagu raad joogo denbiilayaashii ka dambeeyey falkii shalay ka dhacay Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday  in lagu raad joogo denbiilayaashii ka dambeeyey falkii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho, wuxuuna si kulul ugu hadlay falkii lagu laayay dadkii banaanbaxayey, wuxuuna sheegay in kooxihii dhibatadaas geystay ay ka mid ahaayeen Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul-wasaaruhu ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii shalay, waxaana uu ka dhawaajiyay in dadkii ka dambeeyay la hor geyn doono sharciga.

Dhanka kale Ra’iisul-wasaare Farmaajo ayaa amray Hey’adda Ammaanka ee Dowladda inay deg deg wax uga qabtaan falalka ammaan darida ee soo noq noqday, waxaana uu sheegay in Xukuumadiisa ay mar walba ku dadaaleyso in shacabkeeda aysan dhibaato u gaari laheyn.

Hase yeeshee hadalka Ra’iisul-wasaaraha ayaa imaanaya xilli maalintii shalay ciidamo ka tirsan Ciidamada dowladda ay dad rayid ku laayeen agagaarka Gurigii Hooyooyinka ee ka soo horjeedka Tiyaatarkii Qaranka, halkaas oo  ka dhacayey banaanbax aad u ballaaran.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: