Hoos ka Eeg Sawirro iyo Codad
Halkaan ka akhri
Maamulka Xarakada Al Shabaab ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii gobolka Banaadir ee kooxdaas Sheekh Cali Max’ed Xuseen (Sh Cali Dheere) oo ahaa Masuulkii gobolka Banaadir.
Halkaan Ka dhegayso Khudbooyin
Munaasabad Xilwareejin ah oo ay isugu yimaadeen qeybaha xarakada ee Taageera Axmad Godane ee garabka Xarakada Al Shabaab oo ka dhacday magaalada Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyey masuulka siyaasadda iyo xiriirka gobolada u qaabilsan Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in xilkii Maamulka gobolka Banaadir ee Shabaab laga qaaday Sheekh Cali Max’ed Xuseen kaasi oo lagu badalay nin cusub oo lahu magacaabo Sheekh Max’ed Xasan Cumar oo ay qaraabo yihiin Sh. Cali Dheere.
Madaxa siyaasadda iyo xiriirka gobolada ee Al-Shabaab, Sheekh Xuseen Cali Fiidoow ayaa sheegay in Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ahaa Wakiilkii Shabaab ee gobolka Banaadir uu muddo badan soo shaqeeyay islamarkaana uu gartay in xilka laga qaado, inkastoo uusan sheegin sabab kale.
Munaasabadda ayaa waxaa hadal ka jeediyay Sheekh Cali Max’ed Xuseen oo ah ninka xilka laga qaaday, kaasi oo sheegay inuusan ka xumeyn xilka qaadistii lagu sameeyey, waxaana uu sheegay in uu wax badan kasoo qabtay gobolka Banaadir, intii uu xilka hayay.
Sheekh Max’ed Xasan Cumar oo ah Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo isna ka hadlay munaasabda ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanayahay xilka adag oo ay u magacaabeen Al Shabaab, isagoo ballan ku qaaday inuu wax badan ka qaban doono xaaladda gobolka Banaadir sida uu hadalka u dhigay.
SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss © 2011 All rights reserved.
Filed under: Muqdisho |