Halkaan ka akhri
War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta dagaalo Culus ay ka dhaceen woqooyiga magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere.
Hase ahsste waxaa  haatan lagu soo warramaya in Xaalada ay tahay mid Ka yara Degan sidii hore, balse haddana waxaa mararka qaar a la maqlayaa dhawaqa  Rasaasta oo ayis-weydaarsanayaa dhinacyadii dagaalka dhexmaray degmada Boondheere.
Madaafiicda iyo Rasaasta ay isu adeegsanayaan labada dhinac ayaa  waxaa dhawaaqeeda laga maqlayaa daafaha magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah dadka Ku Sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay Sheegaya in uu jiro khasaare Soo gaaray dadka rayidka balse aan la ogeyn inta ay la egyihiin tiradooda, waxana la sheegay in  xaafadaha qaar lagu arkayo dad Meyd ah.
SomaliSwiss      Muqdisho
Filed under: Muqdisho |