Ciindanka ilaalada xeebta wadanka Muzambique oo qabqabtay koox Tahriibayaal Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Boliiska ee dalka Muzambique iyo kuwa Ilaalada Xeebaha ayaa waxay si kala gooni ah u qabteen dad gaaraya ku dhowaad 120 qof oo soomaali tahriibayaal ah kuwaasi oo dooni ku soo gaaray xeebaha dalkaas.

Pedro Kusa oo ah Afhayeenka ciidamada dalka Muzambique ayaa Warbaahinta dalkaas u sheegay in 50 qof oo Soomaali ah iyo ninkii waday doonida ay saarnayeen ay ku geeriyoodeen meel u dhow jaziiradda Suhafo uu ku taala waqooyiga Muzambique.

Wuxuu intaasi ku daray in doonta oo ka timid Soomaaliya uu lahaa nin u dhashay dalka Tanzaniya, waxaana doontaas ay saarnaayeen 129 qof oo rabay inay si sharci darro ah ku soo galaan dalka Muzambique, wuxuuna intaas ku daray in nol lagu badbaadiyay 79 qof oo dhammaantood Soomaali ahaa.

Hase yeeshee dadka ka badbaaday dhimashada ayaa waxaa la geeyay goob ay degenyihiin dadka qaxootiga ee ku taala Waqooyiga Muzambique sida ay sheegayaan ciidanka dalkaas.

Sidoo kale Dowladda Muzambique ayaa tilmaantay in isbuucii hore 123 qof oo Somali ah ay si sharci darro ah kusoo gaareen jaziiradda Suhafo waxaana nolol lagu hayaa dadkaasi.

Sida lagu soo warramay Waqooyiga dalka Muzambique ayaa Soomaalida doonaysa in ay gasho Dalka South Afrika jid Mar u ah, waxaana todobaadyadan dhib weyn uu ka taagnaa Xeebta wadankaasi oo hirar moojadaha badda ay ka kacsanaayeen, waxaana ay halis galayeen doomaha.

SomaliSwiss       Maputo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: