Afhayeenka ciidamada Uganda oo wax kama jiraan ku tilmaamay eedeyntii hay’adda xaquuqda aadanaha (Human Rights Watch).

Halkaan ka akhri

Gaashaanle Felix Kulgaye oo ah  Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay war dhawaan ay soo saartay hay’adda xaquuqda aadanaha (Human Rights Watch) oo tilmaameysay in ciidamada AMISOM ay dambiyo dagaal ka geystaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ilaa haatan ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka ciidamada Uganda wuxuu beeniyey in ciidamadoodu ay dadka xasuuqaan waxaana uu dhabar jab ku tilmaamay hadalkii kasoo baxay hay’adda xaquuqda aadanaha oo uu sheegay inay dhabar jab ku tahay dadaalada lagu bad baadinayo Soomaaliya.

Afhayeenka oo u hadlayey ciidamada dawlada Uganda ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay waajib tahay inay is difaacaan marka la weeraro xarumaha ay Muqdisho ku leeyihiin iyo inay difaacaan amaanka dawlada KMGS oo uu sheegay inay hawshooda tahay.

Sidoo kale Gaashaanle Felix Kulgaye waxa uu sheegay in ciidamadooda Soomaaliya jooga ay u tababaran yihiin illaalinta xaquuqda aadanaha sida uu sheegay waxaana tilmaamay inay jiraan oo uu qirayo inay jiraan rayid dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaarto rasaasta iyo madaafiicda la is waydaarsado xilliyadda ay dagaalada socdaan waxaana uu ku eedeeyay Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab in ay iyagu sabab u yihiin dhibaatadda shacka soo gaara.

Dhanka kale Gaashaanle Felix Kulgaye ayaa waxaa mar la weydiiyay sida ay u arkayaan baaritaano lagu sameeyo dambiyada dagaalka ee la aaminsan yahay inay Soomaaliya ka dhaceen waxaana uu sheegay in arrintaas ay si taxadar leh u soo dhaweynayaan isla markaana ay la shaqeynayaan.

Hase yeeshee Gaashaanle Felix Kulgaye oo si kuluk uga hadlayey eedeyntaas wuxuu yiri: “ Ma mudna in laga jawaabo eedeynta hay’adda xaquuqda aadanaha, waayo waxay dhabar jab ku tahay dadaalka lagu caawinayo Soomaaliya waana is difaaceynaa haddii xarumaheena lasoo weeraro“.

Si kasta ha ahaatee hadalka Afhayeenka ciidamada Uganda ayaa yimid kadib marki hay’adda xaquuqda aadanaha e Human Rights Watch ay ku eedeysay ciidamada AMISOM, kuwa dawlada KMGS iyo dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab inay dambiyo dagaal oo joogto ah ka geystaan Soomaaliya iyadoona si gaar ah ciidamada AMISOM loogu eedeeyay inay inay si aan kala go’ laheyn xaafadaha Muqdisho ugu garaacaan Madaafiic cul culus oo waxyeelo xoogan shacabka u geysta.

SomaliSwiss        Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: