Advertisements

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa eedeyn dusha looga tuuray dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha caalamiga ah (Human Rihts Watch) ayaa si xooggan ugu Cannaanatay dhinacyada ku lugta leh dagaalada ka socda dalka Soomaaliya, waxayna Hay’addu ku baaqday in la sameeyo gudi caalami ah oo baaritaan ku sameeya dambiyada dagaal ee bulshda Soomaaliyeed laga galay.

Sidoo kale Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Human Rights ayaa waxay eedeymo loogu soo jeediyay dhinacyada ku lugta leh dagaalada wali ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Ku xigeenka madaxa arrimaha Africa ee Human Rihts Watch ayaa waxaa eedeymo ay u jeedisay beesha caalamka inay iska indho tirayaan xadgudubyada joogtada ah ee xuquuqul Aadanaha gudaha Soomaaliya.

Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha caalamiga ah (Human Rihts Watch) ayaa ku adkaysay beesha caalamka in la sameeyo gudi si degdeg ah u soo caddeeyo dambiyada dagaal ee ka dhacaya gudaha Soomaaliya.

Hase ahaatee hay’addu waxay si faahfaahsan uga sheekaysay dhibaatooyinka ka dhalanaya dagaalada Soomaaliya gaar ahaan midka magaalada Muqdisho, waxaana ku eedaysay dhammaan dhinacyada ku lugta leh in ay jabiyeen xeerarkii caalamiga ee dhinaca dagaalka.

Ugu adanbeyntii Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha waxay ku cecelisay baaq ah  in la dadajiyo dhisida gudi baaritaan dhab ah oo sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan ugu sameeyo dagaalada Soomaaliya.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: