Halkaan ka akhri
Waxaa goor dhaweyd naga soo gaaray war degdeg ah oo sheegaya in dadweyne ku bannaanbaxayey  ka soo horjeeda xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada (National Teatre) lagu rasaaseeyay halkaasi, kaddib markii ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG ay isku rasaaseeyeen goobtii lagu bannaanbaxayey.
Waxaa lagu soo warramayaa in dadweynihii dibadbaxa halkaas ka dhigayey ay waxyeelo ka soo gaareen,warku wuxuu intaa ku darayaa in dhacdadan ay keentay  khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo dadkii dibad-baxayay ay dhex u galeen labada ciidan oo labada dhinac kala joogay dadweynaha bannaanbaxayay ay rasaas hoos isugu fureen.
Warkan oo goor dhoweyda uu noo diray Waliilka Shabakada SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho, balse wixii faahfaahinw ee ku soo kordha warkaan aan dib idinku soo gudbin doono haddii alle Idmo.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |