Advertisements

Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ee G/Banaadir oo ka warbixiyay dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Waxaa maalmahanba magaalada Muqdisho xaafado ka tirsan ka socday dagaallo muddo aad u dheer, kaasoo u dhaxeeyey xoogagga ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ee G/Banaadir oo kaashanaya ciidamada AMISOM oo dhinac ah iyo ciidamada xarakada Al-Shabaab, iyadoo dhinacyada dagaalamayay ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, madaafiicda goobta iyo wax kasta oo ay heli kareen, hase yeeshee waxaa aad u yaraa qasaaraha dagaaladaasi ka soo gaaray dadka rayidka ah soo gaaray.

Maxamed Xasan Cabdi oo ah Taliyaha ciidamada Ahlu Sunnaha G/Banaadir ayaa ka warbixiyay dagaaladii ay la galeen ciidamada xarakada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in dagaaladaasi ay ka dambeeyeen kaddib markii sida uu sheegay Al-Shabaab ciidamadooda soo weerareen fariisimaha ay ku leeyihiin xaafadda Siigaale ee Degmada Hodon iyo fariisimooyin kale.

Hase yeeshee dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunnaha G/Banaadir waxay sheegeen in dagaaladaasi ay ku jebiyeen ciidamada Shabaabka, ayna ka qabsadeen aagagii ay ku sugnaayeen.

Taliyaha ciidamada Ahlu Sunnaha G/Banaadir oo ka hadlayey dagaalladaas wuxuu yiri: “Nimankii Al-Shabaab ka tirsanaa ee dadka ka toogan jiray wadada Maka Al-Mukarama godadkii ay ku jireen ayaan ugu galnay,” wuxuuna Saxaafadda u sheegay in meydadka, dhaawaca iyo kuwo nool oo ka tirsan ciidamada xarakada Al-Shabaab oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Sunna, isagoo sheegay in ilaa toban askari ay ka dileen, isla markaasina ay gacanta ku hayaan kuwo dagaalka ku dhaawacmay iyo laba ka mid ah horjoogayaashii Al-Shabaab ee hoggaamineysay ciidamadooda xaafadaasi ka dagaalamayay.

Sidoo kale Waxa uu sheegay taliyaha ciidamada Ahlu Sunna ee G/Banaadir inay horay ugu durkeen aagaggii ay ku sugnaayeen kuwa Al-Shabaab, isla markaana ciidamadooda ay fariisimo ka sameysteen agagaarka isgoyska Howlwadaag iyo suuqa Bakaaraha, hase yeeshee Taliyaha Ahlu Sunna ayaa ka hadlay cida ay taageerada ka helaan, xiriirka kala dhaxeeya Dowladda KMG iyo arrimo kale oo fara badan.

Dhanka kale Taliyaha xoogagga Ahlu Sunnada G/Banaadir wuxuu sheegay inaysan jirin wax taakulo ah oo dowladda siisay, balse ay taageersan yihiin, warku waxaa intaa ku darayaa in  xoogagga Ahlu Sunnada G/Banaadir ay ku sugan yihiin aagga ay ka qabsadeen kuwa Al-Shabaab una dhow Isgoyska Howlwadaag iyo wadada wadnaha, balse Taliyaha uu sheegay inaysan dagaalada joojin doonin ilaa iyo inta ay dalka ka saarayaan kuwa dhibaateynaya dalka, dadka iyo diinta Islaamka ah.

Hase yeeshee Taliyaha ayaa sheegay in dagaalada ay la galeen ciidamada Al-Shabaab oo ay uga qabsadeen aagaggii ay horay ugu sugnaayeen, una geysteen khasaare lixaad leh ay taageero uga heleen ciidamada AMISOM, wuxuuna taliyuhu caddeeyay inaysan iyagu ahayn koox mucaarad ah kana horjeeda Dowladda KMG ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: