Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxday dibad-baxayaalkii lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Sida aan horay idinku ballan qaadnay waxa ina soo gaartay faah faahin dheeri ah oo ka soo baxday khasaarihii ka dhashay rasaastii ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay ku fureen dadkii banaanbax ka dhigayay nawaaxiga Tiyaatarka iyo guriga Hooyooyinka degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Warku wuxuu sheegaya in 4-qof ay ku dhimatay 10-kale oo haween u badana ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo watay gaadiid dagaal ay rasaas ku fureen dadkii banaanbaxayey.

Sida la sheegay Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka gobolka Banaadir, kaasoo ujeedadiisa lagu sheegay in lagu soo dhawaynayey hadal shalay uu ku dhawaaqay  Madaxweynaha oo ku aadanaa waqtii kordhintii barlamaanka iyo wal walka beesha Caalamka, islamarkaana loogu soo horjeeday sida la sheegay dagaalada ay Al Shabaab ka wadaan magaalada Muqdisho.

Sadaxda qof ee dhintay ayaa waxaa laba ka mid ah ay ahaayeen ciidammo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, banaanbaxayaasha ayaa lala dhacay rasaas, waxaana Banaanbaxaasi soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Xabadaha ayaa bilowday kadib markii  uu muran soo kala dhexgalay ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana meesha ka bilowday rasaas aan dadna loo aabayeelin.

Dhinaca kale dadkii ku dhaawacmay rasaastaas ciidammada Dowladda KMG ah ku fureen dadka dibadbaxa sameynaayay ayaa la geeyay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, iyadoo dadkii banaanbaxayay ku kala carareen Goobtaasi.

Hase yeeshee wali ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Maamulka gobolka Banaadir oo banaanbaxa soo qaban qaabiyay iyo Mas’uuliyiinta dowladda, kaasi oo ku aadan sababata keentay in ciidamada dowladda dad banaanbaxayaal ah ay ku laayaan magaalada Muqdisho.

Sida la wada ogsoon yahay bishii Janaayo 31-kii ee sanadkan ayay aheeyd markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ay dad rayid ah ku laayeen Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho halkaasi oo gaariga dagaal oo ay leeyihiin ciidamada dowladda uu ku rasaaseeyey dad shacabka oo ku sugnaa Isgoyskaasi.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: