Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Subaxnimadii hore lagu soo baraarugay Dagaal culus oo ka daran  kuwii hore uga dhaci jiray magaalada Muqdisho xaafado ka mid ah, dagaalkaas oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda KMG ah oo garabsanaaya AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab.

Sida lagu soo warramay dagaalkan dagaalkan ayaa ahaa mid cabsi xooggan ku abuuray dadka ku nool magaalada Muqdisho, wuxuuna dagaalka u muuqdaa mid aan waxba la iskula soo harin oo ay dhici karto in lagu kala baxo dagaalka socdo, sidaasna waxaa  laga soo wariyey dadka la socda dagaalada Muqdisho ka dhaca.

Madaafiicda ayaa ku dhacaysa xaafado ka dheer goobaha lagu dagaalamo, iyadoo aan weli la ogayn dagaalka khasaaraha ka dhashay ayaa waxaa hadana la sheegayaa in ilaa iyo hada inay ku dhinteen laba ruux, iyadoo dhawaaca dagaalku yahay mid gaaraya ila alix qof.

Hase yeeshe labada dhinac ayaa midba kan kale ku eedeynaaya inuu isagu dagaalka soo qaaday, waxaana lagu soo warramayaa in dadkii deganaa xaafadaha dirirtu ka dhacayso ay ka cararayaan waxyeelada dagaalka, iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka socdo Xaafadaha Taleex, Dabka iyo dhanka Teribuunka, waxaana daafaha magaalda Muqdisho laga maqlaaya daryaanka Madaafiicda iyo Rasaas culus oo weli ka dhacaysa goobihii uu dagaalka saakay ka bilowday, mana jirto wax ka hadlay ilaa iyo hada labada dhinac ee dagaalamaya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotamail.com

 

%d bloggers like this: