Ra’isal wasaare Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabad ka dhacday xarunta ciidanka Naafada xooga dalka Soomaailyeed.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay galabta ka qeyb galay munaasabad ka dhacday Xarunta Ciidanka Naafada xooga Dalka Soomaailyeed ee Isbitaal Martiini, munaasabadaas oo mushaar lagu siinayay Ciidankii ku soo Naafooway dagaalkii 1977kii ee u dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

Munaasabadan ayaa waxaa joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Sahra Maxamed Cali, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Abuukar Daahir Cismaan iyo saraakiisha Ciidanka Xooga.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga oo munaasabadaas ka hadlay wuxuu yiri “Waxaa maanta farxad weyn inoo ah in Ra’iisul Wasaaraha iyo anigoo ah Wasiirkii Gaashaandhigga aan xaruntiina idinku soo booqano haddii aad tihiin Naafadii xooga dalka Soomaaliyeed, taasina waxay ka turjumeysaa ahmiyadda weyn ee Xukuumada uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay Mudane Farmaajo ay siineyso taakuleynta iyo daryeelka iyo dib u dhiska ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, si loo sugo tiirarka dowlad-nimada, loona xoojiyo amniga, kala dambeynta” wuxuuna raaciyey in xukuumadu aaney marna ilaawi doonin ciidankii Qaranka iyo difaaca dalka xubnohooda ku waayay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna la hadlay Naafada isagoo sheegay inuu ugu horeyntii u mahadcelinayo golihiisa Wasiirada oo uu sheegay in dhamaantood ay la qabaan fikrada ah in ahmiyadda koowaad la siiyo dib u dhiska ciidanka Xooga dalka iyo daryeelkooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Naafada Ciidamada XDS ayaa sheegay ay mudan yihiin xusuus gaar ah wuxuuna yiri: “Muhiimada koowaad waxa weeye inaan ugu horeyn taakuleyno ciidankii ku naafoobay dagaaladii 77 taasoo jawaab u ah marka aan idin taakuleyno kuwa haatan habeen iyo maalin furimaha dagaalka ku jira ee caddowga ka horjeeda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Naafada xoogu ay mudan yihiin xusuus gaar ah.

Hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sheegay inXukuumada dowladda cusub iyo Madaxweynaha dalka ay balan qaadeen inax muhiimad gaar ah siinayaan ciidamada, sababtoo ah iyagaa ammaanka soo celin kara, Amnigii marka la helana Qaranimadii ayaa soo noqoneysa, dhinaca kale Farmaajo wuxuu xusay in dhibaatadu ay ka taagneyd in xukuumadihii wadanka soo martay ay xaqiri jireen mudnaanta ciidanka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dhibaatadu ay ka taagneyd in  Ciidamadu la xaqiro ama aan loo tixgelin ciidanka ahaan, lana daryeelin naafadooda, sidaas darteed tixgelin la’aan aan waxba hagaagi karin, maxaa yeelay ciidanka hadda jooga idinkaa tusaale u ah, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Naafada xooga dalka in galabta hortiisa lagu siin doono mushaarkii ugu horeeyay ee xukuumadiisu siiso Naafada Xooga, balse uu u rajeeyey  inaysan noqon bishii ugu dambeysay oo ay qaadataan mushaarkan.

Sida la sheegay Ciidanka mushaarka loo bilaabay shalay ayay tiradoodu dhameyd 97 ka tirsan Naafadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo intooda badani ay ku socdeen Gaadiidka dadka naafada ah, halka kuwa kalena ay biro ku boodayeen, waxaana jiray 250 kale oo ka tirsan Naafada oo degan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in talaabada xigtana ay mushaar siin doontaan ciidanka ku dhaawacmay ama ku naafoobay dagaalada haatan ay dowladdu KMG kula jirto kooxaha Nabad iyo dowlad-diidka ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotamail.com


%d bloggers like this: