Madaxweyne Sheikh Shariif oo ugu baaqay Baarlamanka Soomaaliya in fursad la siiyo waqtiga ay qabsatay xukuumada KMG ah.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Sheikh shariif Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay Barlamanka KMG Soomaaliya in fursad la siiyo waqtiga ay qabsatay xukuumada KMG Soomaaliya ee ku aadan wax ka qabashada amni darida ka jira dalka Soomaaliya.

Sheikh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay maanta xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa warsaxaafadeedkiisa uga codsaday xildhibaanada Barlamaanka inay fursad siiyaan waqtigii boqolka maalin ah ee ay qabsatay xukuumada KMG Soomaaliya si dalka ay wax uga qabato.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay ka war-hayaan go’aankii Barlamaanka KMG Soomaaliya 3 February ee sanadkaan ay waqtiga ku korarsadeen isagoo sheegay in aan laga hadli karin go’aankaXildhibaanada  Barlamaanka maadaama sida uu sheegay ay yihiin hay’adda sharci dajinta qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowladda KMG ayaa tilmaamay in ay ka warqabaan wel welka iyo walaaca ay ka muujinayaan qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka go’aankii waqtiga ay ku korarsadeen Barlamaanka KMG Soomaaliya, inkastoo Madaxweynuhu uu sheegay in ay la socdaan dadaalka caalamiga ah ee uu hogaaminayo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo ku aadan sidii aragti mideysan looga gaari lahaa dhameynta xaalada kala-guurka iyo sidii looga gudbi lahaa arintaasi.

Dhanka kale Sheikh Shariif ayaa xusay in waqtigan loo baahan yahay deganaasho siyaasadeed oo suura galisa dhameystirka howlaha baaxadda weyn ee horyaala Xukuumada KMG Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda ee la xiriira wax ka qabashada soo celinta arimaha amniga dalka Soomaaliya.

Hase yeeshe Madaxweynuhu wuxuu carabka k dhiftay in dowladda KMG Soomaaliya marnaba aysan ka maarmi doonin kasbashada iyo taageerada Bulshada caalamka, gaar ahaan wadamada sida gaar ah u daneeya arimaha Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Sheikh Shariif wuxuu ka hadlay arrimaha abaaraha iyo daruufaha ee ka jira dalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay beesha Caalamka, hay’adaha samafalka, Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo ganacsatada Soomaaliyeed in gar gaaraan dadka ay saameynayaan abaaraha ka jira gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotamail.com

<span>%d</span> bloggers like this: