Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo sheegay in uu ciidamo dheeraad ah oo hor leh u soo dirayo dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha  dalka Uganda  Yuweri Musaveni oo Tv-ga dalkiisa ka hadlay ayaa sheegay inay Ciidamo dheeraad ah oo hor leh ay Soomaaliya u soo dirayaan, kuwaasoo lagu xoojinayo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

Sidoo kale Musaveni wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto doorashadda dalkaasi dhawaan ka dhaceysa uu wax badan ka qaban doono isla markaana uu ciidamo dheeraad ah oo hor leh uu u soo diri doono dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan hawlgalka ciidamada Midawga Afrika ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ciidamada dawlada Uganda ka jooga Waddanka Soomaaliya ay hayaan hawl adag oo dhinac amaanka ah, waxaana uu intaa ku daray in xoojinta ciidamadiisa SWoomaaliya jooga ay tahay hawsha ugu horeysa ee uu qabanayo haddii uu mar kale ku guuleysto xilka madaxtinimada dalkaasi.

Madaxweynaha  dalka Uganda  Yuweri Musaveni  ayaa sheegay inuu muhiimad gaar ah siin doono ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday in 26 % loo kordhin doonoMush-haarka ay qaataan

Hase yeeshee saraakiisha amaanka dalkaUganda ayaa muujiyey in cabsi ku aadan weeraro ka dhaca dalkaas inta ay socdaan doorashooyinka Baarlamaanka dalka Uganda  oo lagu wado inuu dhaco 18ka bishaan February.

Sida la wada ogsoon yahay  waxaa Dawlada Uganda ka joogaan dalka Soomaaliya ciidamo aad badan, kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada Midawga Africa ee AMISOM oo dawlada KMG Soomaaliya gacan ka siiyo dhinaca amaanka.

Si kasta ha ahaatee Xarakadda Al-Shabab ayaa dhawr jeer ku hanjabay inay weeraro ku qaadayaan wadamada Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: