Ciidamadda Badda dalka Denmark oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen 16 qof oo burcad badeed Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Warar ay wakaaladaha Caalamiga ayaa sheegaya in Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Denmark, kana mid ah  Maraakiibta ciidamada NATO ee hawl-galada lagula dagaalamayo burcad badeeda ka wada xeebaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay 16 ruux oo burcad badeed Somali ah xilli ay isku dayayeen inay fal afduub ah ka geystaan biyaha gacanka Cadan.

Sida ay sheegeen Ciidamada badda ee dalka Danmark waxay gacnta ku dhigeen 16 burcad badeed Somali ah oo doonayay inay qafaashaan markab marayay gacanka Cadan waxayna sheegeen in burcad badeedaas ay rasaas ku fureen markabkaasi dagaalka.

Warku wuxuu intaa ku darayaan in hawl galka raggaan burcad badeednimada loo heysto ay wateen doon nooca dheereeya ah iyo hub fara badan oo ay ku jiraan rasaasta qoriga RPG la yiraahdo.

Sidoo kale Ciidamada isbaheysiga NATO ee xeebaha Soomaaliya ku sugan waxay  sheegay in ciidamadu ay bad baadiyeen  2 la heyste oo u dhashay dalka Yemen oo ay burcad badeeda horey u heysatay.

Hase yeeshee arrintaan ayaa imaaneysa xilli tiro badan oo burcad badeed Somali ah ay gacanta u galeen ciidamada ku sugan xeebaha Somalia kuwaasoo qaarkood willi lagu maxkamadeynayo wadamada caalamka.

Si kasta ha ahaatee Burcad badeeda Soomaalida ayaa waxay haatan afduub ahaan u heysta in ka badan  37 markab oo ay ka qafaasheen xeebaha Somalia kuwasoo ay ka doonayaan lacago madax furasho ah.

SomaliSwiss    Copenhagen

SomaliSwiss@hotamail.com

%d bloggers like this: