Qayla-dhaan ka soo yeertay waxgaradka gobollada Soomaaliya oo sheegaya in Caruurtii ay u geeriyoonayaan dhibaatada Abaarta awgeed.

Halkaan ka akhri

Waxaa gobollada dalka soomaaliya qaarkood si aad ah qayla-dhaan xooggan ka soo yeeraysaa halistii uga heerka sarreysay ee abaaruhu ay marayaan waxaa la soo sheegaya in dhowr caruur ah ay shalay galinkii dambe nafaqo daro awgeed ay ugu geeriyoodeen deegaano ka tirsan gobollada Sh/hoose, Gedo iyo Galgaduud .

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Gedo ayaa qaylo dhaan ka muujiyay abaaro saameeyay dadka iyo duunyada oo ka taagan deegaano hoostaga degmooyin ka mid ah gobolkaasi.

Gobolka Gedo oo ka mid ah gobolada Koofureed ee ay abaaruhu si xun u saameeyeen dadka iyo duunyada ku nool ayaa waxgaradka gobolkaasi waxaa ay qaylo dhaan ka muujiyeen xaaladda abaareed ee ka taagan deegaankaasi oo ay tilmaameen in mar marba ka dambeysa ay kasii daryso.

Waxgaradka iyo odayaasha gobolka Gedo waxaa ay ku baaqeen in si deg deg ah loo gar gaaro dadka ay abaartu la daala dhacaya ee ku sugan deegaano hoostaga gobolka Gedo, iyagoo ka codsaday Maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolkaasi in sida ugu dhaqsiyaha badan gar gaar bini’aadanimo ay la gaaraan dadkaasi wallow ay sheegeen inay jiraan xoogaa biyo dhaamin ah oo Al Shabaab Maamulkooda ka sameeyey deegaano ka mid ah gobolkaasi.

Sidoo kale wararka naga soo gaaraya qaar ka mid ah deegaanada gobolka Sh/hoose ayaa xaqiijinaya in shalay galinkii dambe ay caruur ugu geeriyootay deegaankaasi Macuul iyo nafaqo dari ka taagan halkaas awgeedi.

Hase yeeshee macluushaasi ayaa waxaa u geeriyooday ilaa 4-caruur halka tiro intaasi ka badan ay la daalaa dhacayaan nafaqo darida ka jirta deegaanka Balad-Amin ee gobolka Sh/hoose sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Cismaan Sheekh Nuur.

Si kasta ha ahaatee hay’adaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaan dhagahooda ku cusbeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada ku yaala Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaasi oo maalin kasta laga soo sheegaya inay u geeriyoonaya dad farabadan, waxaana la arkayaagu mudooyinkan dambe degmooyinka gobolka Banaadir dad aad u farabadan oo soo gaareye, kuwaas oo ka soo cararay nolol xumida ka taagan gobolada Sh/hoose iyo Gedo.

SomaliSwiss Galbahaaray

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: