Odayaal dhaqameedyada beelaha Hawiye oo uu maanta Seminaar uga furmay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Odayaal dhaqameed ka soo jeeda beelaha Hawiye oo tiradoodu gaarayso ilaa 150-Oday ayaa waxaa maanta Seminaarka ugu furmay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Seminaarkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wadahadalka Bulshada CCD, ayaa ka soo qeyb galay odayaal dhaqameed, waxgaradka beelaha Hawiye, nabadoonno, culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Maxamed Xasan Xaad oo ah Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka beelaha Hawiye ayaa furitaanka Seminaarkaas khudbad kooban ka jeediyay, wuxuuna sheegay in seminaarada noocaan oo kale ay muhiim u yihiin in beelaha Hawiye qeybahooda kala duwan isku arkaan isla markaana iska wareystaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada gaarka u noqotay degaanada beelaha Hawiye, wuxuuna u mahad celiyay madaxda iyo maamulka Hay’adda CCD inay kordhiyaan seminaaradaan oo kale.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Beelaha Hawiye waxay leeyihiin dhul baaxad leh oo caasimada dalka ay ka mid tahay, mar haddii degaanadaasi leeyihiin waxaa daba taalla inaan loo deyneynin” wuxuuna intaa uu raaciyey in beelaha Hawiye seminaarkan loo qabtay mid la mid ah weli horay loogu qaban, wuxuuna sheegay in kuwa dhibaatada ka wada degaanada beelaha Hawiye ay ku cibaara qaataan wixii ka dhacay dalalka carabta, sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Maxamed Xasan Xaad in haddii kulamada Hawiye ay joogto noqdaan inay beelaha Hawiye kacdoon ka sameeyaan magaalada Muqdisho.

Xubnihii ka soo qeyb galay Seminaarkan ayaa waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka G/Banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, Guddoomiye K/Xigeenka koowaad ee Golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Jimcaale Maxamuud Nuur, Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali, Guddoomiyihii hore ee Degmada B/Weyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaase), Wakiilka Imaamka Islow Maxamed Yuusuf, Wakiilka Ugaaska Shariif Xuseen Jilacow, Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad iyo qaar kale oo fara badan.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Afhayeenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali wuxuuna sheegay in dad aan Hawiye ahayd ay dhibaato ka wadaan degaanada beelaha Hawiye, taasi oo uu sheegay in arrintaasi ay ku dhacday midnimo la’aanta beelaha Hawiye iyo tafaraaruq ku dhex jira, hase yeeshee waxa uu sheegay in Hawiye markaan u soo jeestay sidii uu isaga dulqaadi lahaa heeryada dulsaaran.

Dhanka kale waxaa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka G/Banaadir Xaaji Muxudiin Xasan Afrax, wuxuuna sheegay inuu soo jeedinayo in beelaha Hawiye ay sameystaan maamul goboleedyo si ay uga baxaan dhibaatada taalla dhulkooda, wuxuuna sheegay in degaanada Hawiye dadkii degenaa ay isaga barakaceen, hase yeeshee dhammaanba xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa ka codsaday Hay’adda CCD inay garab ku siiso sidii ay ugu guuleysan lahaayeen himiladooda.

Mas’uuliyiintii halkaasi khudbadaha kala duwan ka jeedisay waxaa ka mid ahaa Aadan Garaase, Islow Maxamed Yuusuf, Shariif Xuseen Jilacow, Imaam C/llaahi Khaliif Rooble, iyo waxgaradka kale, kuwaasi oo dhammaantood sheegay in haddii Hawiye u midoobo danihiisa, si wadajir ahna u wada shaqeeyo, waxaa hubanti ah in xalka Soomaaliya uu soo dhowaanayo, sidaas darteed waxaa Hay’adda CCD laga codsaday inay kordhiso seminaarada noocaan oo kale ah.

Ugu danbeyntii ka qeyb galayaasha Seminaarkaas oo loo qeybiyay lix kooxood ayaa waxaa loo qeybiyay Lix su’aalood, kuwaas oo lix kooxood si saraaxad leh uga jawaabtay koox kasta su’aashii la hor dhigay.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: