Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Xusni Mubarak oo talada dalkaasi isaga tegay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak oo tala dalkaasi hayey Waqti dheer ayaa isaga tegay hogaanka dalka masar kadib markii ay soo food saartay diidmo iyo kacdoon shacab oo aad u balaaran.

Sida la wada ogsoon yahay Xusni mubaarak ayaa wuxuu  xukumayay dalka Masar Mudo ka badan 30 sano ayaa kana mid ahaa hogaamiye yaasha ugu xukunka adag dalalka carabta iyo bariga dhexaba ayaa isaga huleelay Hogaankii uu ka hayey Dalka Masar ka gadaal markii mudo 18 Cisho ah eey dalkaasi ka socdeen Kacdoono saameeyey dhamaan maamulka iyo adeegyadii dalka masar oo idil.

Hase yeeshee Madaxweyne Xusni mubaarak ayaa Maalinimadii shalay ku dhawaaqay inuu isaga degay Xilka Madaxweyne nimo ee dalka Masar isagoo awoodiina ku wareejiyey Ciidamada qalabka sida ee Militariga Dalka Masar kuwaasi oo diyaarin doona waqtiga kala guurka ah si dalku u dhaqaaqo dhanka doorashada.

Sidoo kale Mr Mubaarak ayaa kacdoon xoogan oo biloowday 25kii bishii hore ee Janaayo uu aakhirkii keenay inuu xilka isaga dego isagoo si aad ahna u diiday inuu si sahal ah isaga tago balse Kacdoonka shacabka oo sii kordhayey ayaa ka guuleeystay kuna qasbay inuu isaga dhaqaajiyo Xukunkii uu horboodayay mudo ka badan 30 sano.

Mudaharaadayaasha ama kacdoonka oo Maalinmihii lasoo dhaafay Gaaray 20 Milyan daafaha wadanka masar ayaa weli ku sugan halka loo yaqaano Fagaaraha Taxriir ee xoriyada iyo magaalooyinka waaweeyn oo idil iyagoo u dabaal degaya guusha balaaran oo eey gaareen mudadii 18ka cisho ah eey ku sugnaayeen Xaalada kacdoonka ah.

Dhanka kale Wadamada Carabta ayaa si aad ah looga soo dhoweeyey is casilaadii Xusni mubaarak iyadoo shucuubta carabtu eey dabaal degyo ku jireen ilaa shalay,Xalay ilaa iyo maanta waxaana jidadka si weeyn loogu soo baxay wadama kala ah: Yaman,Qadar,Falastiin,Tuunisiya,Urdun iyadoo wadama badan oo kalan soo dhoweeyeen sida suudaan, turkiga,liibiya, imaaraadka,suuriya iyo wadamada Mareeykanka iyo yurub intuba iyagoo dhiiri geliyey in isbedel nabadeed u dhaco eey tahay arin muhiim ah oo weeyn.

Dad isu soo baxay oo cabirayey dareenkooda ayaa loo diiday ineey sameeyaan isu soo bax wadamada Aljeeriya,Sucuudiga iyo marooko waxaana jira dabaal degyo ka dhacaya qeeybo badan oo ka mid ah caasimadaha aduunka halkaasi oo eey ku sugan yihiin dadka masaarida ah iyo weliba dad badan oo kale oo carab ah.

Si  kasta ha ahaatee waxaa saameeyn weeyn dunida oo idil guud ahaan gaar ahaan bariga dhexe ku yeelatay Tegistii Xusni mubaarak uu isaga tegay Xilka dalka masar taaso aheeyd arin aad u weeyn iyadoo lagu jiro Xili eey socoto dabeeyl kacdoon dikteeytor diid ah oo ka curatay dalka tuunis bishii hore taasoo saameeyn doonta dalal badan dalkii ugu horeeyey uguna miisaanka badna uu yahay dalka masar oo si weeyn indhaha loogu hayey.

Balse waxaa jira kacdoono ka aloosan wadama badan sida yaman oo iyagu bilaabay qaabka masar oo kale waxaana la filaa in dabeeyshaani saameeyso wadama badan oo carbeed oo kalitaliye yaal eey ku raageen kuwaasi oo shacabku eey doonayaan inuu waa cusub u baryo sida ka dhacday dalalka masar iyo tuunis isla markaana eey helaan nidaam xalaal ah.

SomaliSwiss       Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: