Dhalinyaro qorshaynaysa in ay berri sameeyaan kacdoon ka dhan ah dowlada KMG & Al-Shabab.

Halkaan ka akhri

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay kacdoonkii ka dhacay wadamada Tuniisiya iyo Masar, waxayna sheegeen dhinacooda inay qorshaynayaan Bannaanbaxyo oo ka dhan ah dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab.

Kulan maanta ay isugu yimaadeen dhalinyaradan ayaa waxay ku heegeen inay si aad u taageersan yihiin kacdoonadii ka dhacay dalalka Tuniisiya iyo Masar, kaasi oo sababay in xilkooda isaga dagaan Madaxweynayaasha wadamadaasi.

Sidoo kale intuu socday kulankaasi waxaa warbaahinta u waramay Jaamac Saciid Qorsheel oo sheegay in dhalinyarada gobolka Banaadir looga baahan yahay kacdoono ay kaga hortagayaan dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Dhanka kale Jaamac Saciid Qorsheel wuxuu intaas ku daray in dhalinyarada gobolka Banaadir ay qorshaynayaan kacdoono ay ku cabirayaan dareenkooda ku aadan inay u ololeeyaan nabadda maadama uu dalka faraha ka baxayo.

 

Si kata ha u dhacee Kacdoonka ay qorshaynayaan dhalinyarada ku nool magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu dhici doono maalinta berri ah, wuxuuna ku soo adayaa xili guud ahaan magaalada Muqdisho ay u kala xiran tahay dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: