Ciidanka ilaalada xuduudda dalka Kenya oo gacanta ku dhigay qof ku hubeysnaa Bistoolad & bambooyin.

Halkaan ka akhri

Ciidanka ilaaliya xuduudda dalka Kenya Kenya ayaa gacanta ku dhigay qof ku hubeysnaa Bistoolad iyo bambaanooyin oo doonayay in uu ka gudbo xadka Kenya, waxaa sidoo kale la sheegay  in qof kale oo la socday ninka la qabtay uu u baxsaday dhanka magaalada Beled Xaawo

Dhanka kale waxaa la sheegay in dableydan ay  ku soo socdeen magaalada Mandheera si ay falal qarbudaad ah uga geystaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan dhulka ay Soomaalidu degto, balse waxaa fashiliyay oo gacanta ku dhigay Ciidamada Xuduudaha ee dalka Kenya.

Qof la qabtay ayaa waxa uu iminka ku xiran yahay saldhigga booliska magaalada Mandheera oo su’aalo lagu weydiinayo, iyadoo la filayo in loo soo gudbin doono xarunta dhexe ee ciidamada argagixiso la dagaallanka ee magaalada Nairobi si ay baaris iyo maxkamadeynba ugu sameeyaan.

Warar ayaa sheegaya in magaalada Mandheera ay ka socdaan qafaal baahsan oo dadka maraya waddooyinka lagu qabqabanayo, iyadoo xalay  ay magaalada dhan aheyd bandow ah, waxaana xaafadaha laga dhex maqlay rasaas aan la garan cidda isticmaashay.

Si kasta ha ahaatee Magaalada Mandheera ayaa ku taallaa xadka u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana dhowaanahaan soo foodsaartay cabsi ku saabsan kooxda Alshabaab oo ku sugan magaalada Baled Xaawo ayadoo  dhowr jeer ay dhacday in ay dilal ka fuliyeen gudaha magaalada Mandheera, taas oo cabsi iyo qalqal ku beertay dadka Soomaaliyeed ee deggan magaaladaas.

SomaliSwiss       Mandheera

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: