Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo kaalmooyin kala duwan gaarsiiyay qoysas barakacayaal ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ayaa sheegaya in Ururka Haweenka Soomaaliyeed ay maanta kaalmooyin kala duwan gaarsiiyay qoysas barakacayaal ku sugan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana qoysaskaasi oo isugu jiray xoolo dhaqato iyo beeraley ay ka soo barakaceen gobolada Shabeelooyinka kaddib markii ay khatar gashay noloshoodii isla markaasina xoolahoodii ay ku dhammaadeen abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka oo dhan.

Sidoo kale kaalmadan ayaa la gaarsiiyay dad ka soo barakacay shabeelooyinka ee ku sugan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley waxaana soo dhiibay Jaaliyadda haweenka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Sweden, gaar ahaan magaalada Malmo, kaddib markii Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Caasho Cumar Geesdiir oo ku sugan dalka Sweden kulamo la yeeshay jaaliyada haweenka Soomaalida ku sugan magaalada Malmo.

hase yeeshee Qoysaska helay deeqda kaalmada ah oo ka koobneyd lacag iyo dhar kuna sugan labada degmo ayaa sheegay inay si weyn ugu baahnaayeen kaalmada la soo gaarsiiyay, bacdamaa ay ku sugnaayeen xaalad aad u liidata oo saameyn xoogan ay ku yeelatay abaaraha ku dhuftay goboladaasi ay ka yimaadeen, iyagoona uga mahad celiyay jaaliyada haweenka Soomaaliyeed ee wadanka Sweden sida ay ugu soo gurmadeen walaalahooda ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

Dhanka kale Barakacayaasha helay deeqda kaalmada ah ayaa isugu jiray dad waayeel ah qaarkood aan indho lahayn, kuwo itaal darri la kici waayay, hooyooyin da’ ah, caruur ka yar shan sano jir iyo haween ay ka muuqatay duruuf nolol xumo tii ugu liidatay, waxayna si weyn u soo dhoweeyeen isla markaasina ugu farxeen deeqda gargaarka ah ee ay soo gaarsiiyeen ururka Haweenka Soomaaliyeed oo isagu dalka dibadiisa ugu ololeeyay sidii loo taakuleyn lahaa dadka ay ku dhufteen abaaraha.

Marwa Canab Xasan Cilmi oo ah Guddoomiye K/Xigeenka Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u faahfaahineysay deeqda kaalmada ah, waxayna sheegtay inay ka koobneyd dharka oo uu bixiyay Ururka Haweenka iyo lacag 800$ oo ay bixiyeen jaaliyada haweenka Soomaalida ku nool wadanka Sweden, gaar ahaan magaalada Malmo, waxaana sidoo kale barakacayaasha loo qeybiyay milanka Shifo ORS oo uu bixiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo sheegtay in kaalmadaasi ay gaarsiiyeen barakacayaasha aanay ku filneyn, balse ay sheegtay inay tallaabadani tahay mid bilow ah oo ay sheegtay inay ku dayasho mudan tahay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: