Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta soo bandhigay dhalinyaro Al-Shabaab ah oo shalay weerar ku qaaday Saldhiga degmada Xamar-jajab.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Taliska ciidanka booliska ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in maanta la soo bandhigay dhalinyaro ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab oo shalay weerar ku qaaday Saldhiga ciidanka booliska ee degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay intii lagu guda Jiray weerarka iyo iska difaacidda.

C/laahi Xasan Bariise oo ah Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in dhalinyaradan ay ka mid yihiin ciidamada Xarakada Al Shabaab, wuxuuna carabka ku dhuftay in ciidanka booliska ee dowladda KMG ay soo qabteen kadib markii ay weerar ku qaadeen sida uu tilmaamay saldhiga Xamar-jajab ee gobolka Baanadir.

Qaar ka mid ah dhalinyarada ay soo qabteen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo lagu magacaabo Cumar Max’ed Cali ayaa waxaa uu ka warbixiyay waxyaabaha ay ku soo qab qabteen ciidanka booliska dowladda KMG.

Sidoo kale Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise ayaa waxaa uu tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ciidamada boliiska ay sameynayeen weeraro ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qarxyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay saldhigyada booliska ee gobolka Banaadir.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: