R/Wasaare Farmaajo oo farriin gaar ah u diray dagaalyahanada ururka Al-Qaacida ee ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wuxuu shalay khudbad u jeedinayay cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska waxa uu farriin gaar ah u diray dagaalyahanada ururka Al-Qaacida ee ka barbar dagaalamaya kooxda Al-Shabaab, isagoo sidoo kale sheegay in dhallinyarada ay marin habaabiyeen kooxaha xag-jirka ah ay dowladdu u sameysay xarun gaar ah isla markaasina lagu daryeelo ayna haatan ku sugan yihiin dhallinyaro ka soo goosatay Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay inay Dowladdu xaaladooda iminka ay tahay mid wanaagsan.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Farmaajo wuxuu sheegay in kooxaha ka horjeeda ay ogyihiin cududa ciidamada Dowladda ay leeyihiin inay tahay mid aanay jiiri karin, wuxuuna ku booriyay ciidamada Daraawiishta inay u diyaar garoobaan sidii ay dalkooda iyo dadkooda u difaaci lahaayeen, isagoo u ballanqaaday inay si joogto ah u heli doonaan mushaaradooda iyo daryeelkooda.

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Inaan muhiimadda siino ciidanka diyaarka u ah dadkooda iyo dalkooda inay difaacaan waan ballanqaadeynaa, xukuumada oo uu ugu sareeyo Madaxweyne Shariif waxaan ballanqaadeynaa inaan dalka iyo dadka ugu adeegno si daacad iyo xaq ah”.

Ra’iisal Wasaare Farmaajo wuxuu si gaar ah ula hadlayay saraakiisha ciidamada daraawiishta ayuu kula dardaarmay inay dadka u naxariistaan waliba kuwooda taagta daran, “U gargaara hadii aad aragtaan qof liidata, ha furanina” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo dhinaca kale ku booriyay ciidamada daraawiishta inay shacabka dhibaateysan iyo kuwa liita ay caawiyaan oo garab qabtaan.

Hase yeeshee Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku soo duuleen kooxo ajnabi ah, kuwaasi oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan dadka iyo dalka, isla markaasina barakiciyay malaayiin qoys, waxa uuna sheegay in kooxahaasi ajnabiga ah ay doonayaan inay dadka gumeystaan.

Ugu danbeyntii Ra’iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan marnaba qaadan karin in la gumeysto isla markaana ay horay uga dhiidhiyeen, hadana shacabka iyo Dowladooda oo iskaashanaya inay dalkooda ka saarayaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: