Golaha wasiirada dowladda KMG Soomaaliya oo sheegay in laba bilood mushaarkooda ay ugu deeqeen dadka abaaraha ay halakeeyeen.

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah oo Fadhi ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayey Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa laga soo saaray go’aano dhowr ah oo ku saabsan arrimihii ay ka wadahadleen, sida dagaalada ka socda degaanka Kalshaale, arrimaha gurmadka abaaraha, nabadda iyo internetka Soomaaliya, waxayna kulankooda ku ansixiyeen qodobadii laga diyaariyay shirkaasi.

Sidoo kale Qoraal ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirada oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay Xoghayaha xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Md. Cabdi Xaaji Goobdoon, wuxuuna sheegay in Golaha Wasiirada ay ansixiyeen in internetka Soomaaliya ee .SO ay gacanta ku heyso Wasaaradda Boostada, oo uu sheegay Wasiirkeeda inay farsamo ku socoto isla markaana Wasaarada Boostada ay ku bixisay kharaj.

Dhanka kale Wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha Dowladda KMG ah oo ka mid ahaa Wasiirada kulanka ka qeyb galay loona magacaabay guddoomiyaha guddiga Abaaraha, ayaa la sheegay inuu Wasiirada uga warbixiyay xaaladda abaaraha ka jira dalka, waxayna Golaha Wasiirada isku raaceen in Wasiir kasta uu mushaarkiisa ka jaro lacag dhan 500$, iyadoo sidoo kale Golaha Wasiirada ay ansixiyeen 5% mushaarka shaqaalaha Dowladda in laga jaro, lacagtaas oo Wasiiradu sheegeen in lagu bixinayo gurmadka samatabixinta dadka ay ku habsadeen abaaraha ku dhuftay gobolada dalka.

Hase yeeshee shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay dagaalada ka socda degaanka Kalshaale, wuxuuna Goluhu ku baaqay in dagaaladaasi si degdeg ah loo joojiyo, isla markaana Golaha Wasiirada waxay ugu baaqeen waxgaradka, culumaa’udiinka, aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo maamulada halkaasi ka jira inay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: