Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan biyaha Soomaaliya oo cadeeyay in la qafaashay markab Maraykan ah.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa cadeeyay in la qafaashay markab Maraykan ah, sidoo kale Markabkan ayaa  dalka Mareykanka u waday shidaalka cayriin iyada oo ay soo weerareen Burcada Soomaalida kadibna ay qafaasheen 25-shaqaale ah iyo Markabkaba.

Hase yeeshee Warka ka soo baxay taliska ciidamada Badda Mareykanka ee ku sugan xeebaha geeska Afrika ayaa cadaynaya in markabka ay afduubteen burcad watay doon oo dheereeya ah.

Ugu danbeyntii Burcada ayaa Markabka si sahal ah ay gacanta ugu dhigeen, kadibna ay ula dhaqaaqeen dhanka Biyaha Soomaaliya iyada oo markabka shidaal aad u badan uu ka soo qaaday Kuwayd si uu u geeyo Maraykanka.

Si kasta ha u dhacee Afduubkan ayaa wuxuu fashil ku noqonayaa saraakiisha cadaysay oo sheegay in ay ku sugnaayeen meel ah ka fogayn balse ay gurmad la gaari waayeen xilli hore.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: