Sheikh Shariif iyo Shariif Xasan oo isku haysta cidda madaxweyne ka noqonaysa dalka Soomaaliya Bisha Agoosto ee sanadkan kadib.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya Sh shariif Sh Axmad iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sh Xasan ayaa labaduba wada dadaal xooga oo ay ku doonayan inay madaxweyne uga noqdaan dalka Soomaaliya marka uu dhamaado xilliga kala guurka ah ee xilliga dowladdaan hadda jirta bartamaha anadkaan Agoosto 2011-ka.

Shariif Xasan oo ah nin aad u galgal badan ayaa haatan ku sugan dalka Jabuuti oo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo amaanka dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaliya oo ay ka socdaan dagaalo 20-sano jirsaday, kuwaas oo xaaladda ka dhigay mid cakiran oo maalin kasta weji cusub leh. Ilo wareedyo aad xog ogaal u ah ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu xubno ka tirsan beesha caalamka kula shiray bishii hore dalka Kenya uuna ka codsaday in loo ogolaado, isla markaana loo aqoonsado inuu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya, xilliga kala guurka ka dib, isagoo sidoo kale hadda dadaal kale ka wada dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaliya Sh. Shariif iyo Ra’iisul wasaaraha Maxamed Farmaajo ayaa kasoo horjeestay go’aankii┬á baarlamaanka uu xilligiisa ku kororsaday, waxaana ka socda xafiisyada labadan mas’uul dhaqdhaqaaqyo ay ugu jawaabayaan Shariif Xasan oo ay u arkaan inuu caqabad ku yahay sii joogitaankooda xafiisyadaas markii la gaaro Agoostada Sanadkaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Sh. Shariif uu dadaal ugu jirto sidii uu dib ugu soo laaban lahaa xilkiisa, waxaase jirta warar kale oo sheegaya in beesha caalamku aysan doonayn inuu xafiiska kusoo laabto madaxweyne Sh shariif ama gudoomiyaha baarlamaanku uu noqdo madaxweyne Soomaliyeed.

Si kastaba ha noqotee ma cadda sida Shacabka Soomaaliyeed looga dhaadhacsiin doono in Shariif Xasan Sh Aadan oo aan wax aqoon ah lahayn haba yaraatee loogu ogolaan karo inuu qabto hogaanka dalka Soomaaliya, iyadoo ay taas u dheer tahay tuhun xoog badan oo laga qabo kaas oo salka ku haya inuu yahay nin hanti uruusi badan oo dantiisa oo dhan ku salaysan tahay lacag uruursi.

SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: