Micheline Calmy-Rey oo Bruxelles kula kulantay Madaxa Golaha Fulinta iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Midowga Yurub.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha kaltanka Konfederaalka Switzerland Micheline Calmy-Rey oo booqasho rasmi ku tagtay  dalka Beljium ayaa waxay ugu horreyntii magaalada Bruxelles kula kulantay  Guddoomiyaha Barlamaanka Yurub Jerzy Buzek, waxayna ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee wax wada qabsiga ee la xiriira Siyaasadda dibadda iyo  Maaliyadda.

Micheline Calmy-Rey  ayaa u caddeysay Guddoomiyaha Barlamaanka Yurub Jerzy Buzek,  in Barlamaanka reer Yurub uu kaalin muhim ka qaatay sidii  Swisska uu door muhim uga qaadan lahaa howlaha heshiiska Nidaamka Sharciga Schengen.

Guddoomiyaha Barlamaanka Midowga Yurub ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Swissku uu arrimo badan ay horyaalaan, waxaana loo baahan yahay in loo wajaho si cilmiyeysan, islamarkaasna ay tahay in laga doodo, balse marka hore si gooni gooni ah ay uga soo hadlaan Siyaasiyiinta labada dhinac Swisska iyo Isbahaysida Midowga Yurub.

Kadib markii labadaas mas’uul ay dhameysteen wadahadalladooda ayaa waxaa Madaxweynaha kaltanka Konfederaalka Switzerland Micheline Calmy-Rey ay kula ballansaneyd qado sharaf oo uu sameeyey Madaxa golaha fulinta ee Midowga Yurub José Manuel Barroso, waxayna ka wada hadleen heshiisyada laba-geesoodka ah ee ka dhexeeyey Swisska iyo Midowga Yurub.

Somaliswiss     Brussels

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: