Kalfadhigii Baarlamaanada Wadamada Carabta oo laga soo saaray bayaan ku saabsan arrimaha Muragsan Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray  magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ayaa sheegaya in Kalfadhigii uga socday Baarlmaanada Wadamada Carbeed oo Soomaaliya uga qeyb galeen wafdi uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay in shalay gelinkii Dambe la soo gabagabeeyey.

Sidoo kale Kalfadhigan ayaa waxaa looga hadlayey xaaladaha iyo dhibaatooyinka ka jira Wadadamada Carbeed , gaar ahaan xaaladaha ka jira Wadamada Soomaaliya, falastiin iyo Dalka Masar ee uu ku jiro xaalad qatar ah.

Pro. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ahaa masuuliyiinta Dowladda oo ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlmanka ayaa sheegay in kulanka si weyn looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Hase yeeshe Pro. Dhalxa waxa uu sheegay in kulanka Baarlmaanka Carabta laga soo saaray Bayaan ku saabsan Arrimaha Soomaaliya , waxaana lagu soo qaaday Siyaasada Soomaaliya, Sida: Amaanka iyo Abaaraha ka taagan inta badan Gobolada dalka Soomaaliya , waxaana lagu cadeeyey Bayaanka in wadaamada Carabta tageero buuxda ay la garab istaagi doonaan Dowladda Soomaaliya si amaanka ay u hanato.

Dhanka kale Pro. Dhalxa ayaa sheegay in bayaanka lagu sheegay in Wadaamada Carabta ay si buuxda u taageersan yihiin Xukuumada cusub ee Soomaaliya ee sharciga ah, sidoo kale bayaanka waxaa lagu xusay in Dowladaha Carbeed ay kala shaqeeyn doonaan Xukuumada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee waxaa ugu dambeeyntii  baaq loogu diray bayaankan Hey’adah Caalamiga ah in ay gargaar u fidiyaan qoxootiga Soomaaliyeed ee Dalalka Carabta u qaxay iyo dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ee haddana ay Abaaraha ku habsadeen.

SomaliSwiss     Doha

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: