Guddiga gurmadka Abaaraha ee gobolka Gedo oo billaabay howlaha biyo dhaaminta ah.

Halkaan ka akhri

Guddiga gurmadka Abaaraha ee G/Gedo ayaa la sheegay inuu billaabay howlaha biyo dhaamin ah, sidii lagu gaarsiin lahaa dad biyo la’aan ku haysata Tuulooyin hoostaga degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Sidoo kale Guddiga wuxuu haatan gacanta ku hayaa dadaalo biyo loogu dhaaminayo boqolaal qoys oo biyo la’aani ku haysato deegaano ka tirsan degmooyinka Baardheere iyo waliba degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka Gedo.

Sida ay sheegeen guddiga Abaaraha deegaanada ugu daran ee  biyo la’aanta ka jirto ayaa waxaa ka mid ah, Faxfaxdhuun, Garile, Caashacad, Jungal iyo deegaano kale, waxaana la sheegay in qoysaskaasi aan wali helin biyo ku filan inkastoo isku daygii ugu horeeyay ee dadkasi lagu gaarsiiyay biyaha ay ku yaraadeen.

Sida la wada ogsoon yahay guud ahaan deegaanda ay abaaruhu ku dhufteen ayaa waxaa gacanta ku hayo Xarakada Al Shabaab oo horey u mamnuucay in Hay’adha Samafalka ay ka howlgalaan deegaanada ay iyagu maamulaan.

Haddaba Gobolka Gedo wuxuu ka mid yahay gobolada ugu daran oo ay abaaruhu saameeyeen, waxaana guddiga gurmedka deg dega abaaraha ee gobolkaasi sheegeen in dadkaasi ay haystaan dhibaatooyin farabadan islamarkaana loo baahan yahay in gargaar degdeg ah lala gaaro.

SomaliSwiss   Baardheere

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: