Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay go’aankii Baarlamanka uu ku kororsaday Mudada iyo Xildhibaano ka jawaab celiyay.

Halkaan ka akhri

Golaha Wasiirada Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa go’aankii uu Baarlamaanku xilliga 3da Sano ah ku kororsaday ku tilmaameen mid keeni karo walaac hor leh oo dalka meel cidla ah uu ku dhaco, hase ahaatee xukuumaddu waxay sheegtay inay tixgelinayso walwalka beesha caalamka ka imaanaya ee arrintaan ku saabsan.

Hae yeeshee hadalka ka soo yeeray Xukuumada ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna xukuumadda sheegay inay howlaha horyaalla wax ka qabato intii ay ka hadli lahayd go’aannada Baarlamaanku uu gaaray.

Waxaa arrintan jawaabo ka bixiyey dhowr  xildhibaan, balse waxaa si aad uga hadal Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho wuxuuna yiri: “Baarlamaanka waa hay’adda sharci-dajinta dalka, xukuumadduna waa fulinta, sidaa daraadeen DKMG ah uma habboona inay ka hadasho go’aanka uu baarlamaanku gaaray, waxaase looga baahan yahay inay howlaheeda ka soo baxdo”.

Mudanuhu, wuxuu sheegay in xukuumadda ay horyaallaan howlo badan oo looga baahan yahay inay kusoo afjarto muddadii ay qabsatay ee 100-ka maalmood ah, balse aan loo baahnayn inay ka hadasho howlaha baarlamaanka.

Waxaa shalay ka dhacay Xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho Kulan aan caadi ahayd oo golaha wasiirrada xukuumaddu oo ay uga hadlayeen  muddada saddexda sano ah ee ay ku darsadeen waqtiga jiritaanka Baarlamaanka,waxayna goluhu ay  sheegay inay kala hadli doonaan arrintan shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha ay khuseyso iyo beesha Caalamka.

warsaxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirrada KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay  in Golaha wasiirradu ay tixgeliyeen wel-welka ay beesha caalamka ee ku aaddan go’aanka halka dhinac ah ee baarlamaanka Soomaaliya uu muddada ku kororsaday iyo fashil kale oo ku yimaada hay’addaha dastuuriga ah, wuxuuna goluhu soo dhaweeynayaa shirarka iyo taloooyinka ka imaanaya Beesha caalamka.

Wasiirradu waxay sidoo kale ku sheegeen warsaxaafadeedkooda inay isla garteen in go’aanka kama dambeysta ah ee masiirka Soomaaliya uu leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Xildhibaanka u jawaabay xukuumadda ayaa soo jeediyay in howlaha xukuumadda horyaalla ay ka mid yihiin inay sugto ammaanka, sababta uu baarlamaanka codka u siiyayna ay ahayd inay wax ka qabato ammaanka dalka iyo samatabixinta bulshada abaartu halakeysay.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: