Dad la sheegay in ay la shaqeynayeen Al-Shabaab oo xabsi loogu taxaabay dalka Brundi.

Halkaan ka akhri

Ciidanka nabad sugidda dalka Burundi ayaa gacanta ku dhigay ilaa 10 qof la sheegay inay ka tirsan yihiin ama gacan saar la-lahaayeen Xarakada Al-shabaab ee Dalka Soomaaliya, hase yeeshee u dhashay dalka Pakistan, iyadoo hore u jireen diginino reer galbeedka ka soo baxaya oo sheegaya in la damacsan yahay in weeraro isqarxineed ka dhacaan wadamada Burundi iyo Uganda oo ay Somalia ciidamo ka joogaan.

Saraakiil u hadashay Policeka Burundi ayaa sheegay in masjidka Bixirooro oo ku yaala gobolka Gitega la yiraahdo laga qabtay 8 ruux oo u dhashay dalka Pakistan kuwaasi oo waday wacdiyo dadka lagu dhiiri galinayo waxaana saraakiishaasi sheegeen inay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin dadkaas shabakadda Al-Qacida oo ay ka tirsan yihiin Alshabaab isla markaana garab siiya xarakadaas oo Soomaaliya ka dagaalama.

Alexis Manirakiza oo ka tirsan saraakiisha Police-ka Burundi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in Pakistaniyiintaas ay gudaha masjika ka wadeen wax uu ku sheegay kulamo gooni gooni ah oo dadka looga dhaadhinayay weeraro qarsoodiya oo ka dhaca dalkkaas taasina ay keentay tuhunka lagu qabtay oo xabsiga loogu taxaabay.

Alexis Manirakiza ayaa sheegay in dadka areer Burundi ay Police-ka ku war galiyeen in 8 ruux ay ee gudaha Masjika ku jira ay wadaan howshaas, waxaana uu xusay in hayā€™adaha socdaalku sheegeen in dhawr maalmood ka hor ay muwadiniintaasi reer pakistaan dalka Burundi safarro ku tageen iyagoo ku safraya Baasaboorro Pakistan ah waxaana jira labu ruux oo kale oo Burundes ah oo dadkaan lala xiray kadib markii lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen.

SomaliSwiss News Desk
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: