Ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo wax kama jiraan ku tilmaamay go’aankii Baarlamanka KMG uu waqtiga ku kororsaday.

Halkaan ka akhri

Urur-diimeedka Ahlusunna waljameeca ayaa wax ma jiraan ku tilmaamay go’aankii Baarlamaanka KMG ee soomaaliya oo mudada uga kororsaday, waxayna xildhibaanada ugu baaqeen in ay dib uga laabtaan go’aankaasi.

Sheikh Cumar C/qaadir Aadan oo ah Guddoomiyaha Guddiga shuurada ururka Ahlusunna waljameeca gobolada dhexe ayaa saxaafada u sheegay in culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ay ka soo horjeedaan go’aankii Baarlamanka KMG mudada ku kororsaday.

Guddoomiyaha Guddiga shuurada ururka Ahlusunna Waljameeca gobolada dhexe ee Soomaaliya Sheikh cumar C/qaadir Aadan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waa go’aan lagu fududaaday muddo kordhinta 3 sano ah, waxaana ugu baaqaynaa in ay dib uga laabtaan Baarlamanka KMG mudadii ay kororsadeen”.

Dhanka kale haddalka ka soo yeeray  Guddoomiyaha Guddiga shuurada ururka Ahlusunna Waljameeca ayaa ku soo beegmaya xili Xukuumada KMG, Beesha Caalamka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Beelaha Hawiye iyo Aqoon yahanada soomaaliyeed ay si kulul uga soo horjeesteen go’aankii Baarlamanka KMG mudada 3 sano ah ku kororsaday.

SomaliSwiss   Cabudwaaq

SomaliSwiss@hotmail.com

Copyright © 2011 SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info

%d bloggers like this: