Advertisements

Maxkamada sare ee dalka Yemen oo xukuno ku riday burcad badeed Somali ah, kuwa kalena sii daysay.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalda Sanca ee dalka Yemen ee ayaa sheegaya in  Maxkamada sare ee dalka Yemen ay  xukuno ka la duwan ku riday 5 qof oo Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin burcad badeeda Soomaali ah ee ka markab ka qafaashay biyaha Soomaaliya.

Sidoo kale 5 tan qof ee Soomaalida ah ayaa  la hor keenay Maxkamadda Sare, waxaana lagu eedeeyay inay falal afduub iyo qafaalasho ah ka geysteen biyaha gacanka Cadan iyadoona ciidamada illaalada ka xeebaha  burcaddaas ay gacanta ku soo dhigeen.

Max’ed Cali Saalax Ciise oo ka mid ah dhalinyaradda Soomaalida ee maxkamada la hor geeyay ayaa maxkamadu kusoo eedeysay asago inay afduub ahaan u qabsadeen doon kaluumeysi oo Yemen laga leeyahay bishii November ee sanadkii 2009 Doontaas oo xilligaas ay mareysay xeebaha gobolka Xadramuud ee dalkaasi Yemen.

Dhanka kale Maxkamadu waxay sheegay in Max’ed iyo asaxaabtisu ay doontaasi heysteen in muddo ah, islamarkaana u adeegsan jireen afduubka Maraakiibta iyo gaadiid badeedka kale waxayna maxkamadu ku riday 5 taas qof min 2 sano oo xarig ah.

Muwaadiniinta Soomaalida ah ee la xukumay ayaa la sheegay in qaarkood la qabtay bishii April ee sanadkii 2010 ayaa waxaa la sheegay in doontii ay wateen laga helay hub iyo rasaas la sheegay inay qafaalashada u adeegsan jireen.

Warsidaha Yemen Post ayaa lagu shaaciyey in maxkamadu ay sii day 6 kale oo Soomaali ah, kadib markii lagu waayay eeeymaha loo heystay oo aheyd inay burcad badeed yihiin waxaana loo qaaday xerada qaxotiga ee Al-Kharaj oo ay Qaramada Midoobey gacanta ku heyso.

Si kasta ha ahaatee Bishii Jannaayo ee sanadkan ayay aheyd markii maxkamada gobolka Xadramud ay xabsiyada u dirtay muwaadiniin Soomaali ah oo burcad badeednimo lagu eedeyay.

SomaliSwiss Xadramud

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: