Ururka Islaamka oo ugu baaqay Beesha Caalamka, in dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha iyo dagaalada halakeeyeen, lala gaaro gargaar deg-deg ah.

Halkaan ka akhri

Warbixin uu soo saaray Ururka Islaamka  caalamida ah ayaa waxaa baaq bana’aadannimo loogu  soo jeediyey  beesha caalamka iyo hay’adaha deeqda bixiya inay gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah la gaaraan dadka Soomaliya ay Abaaraha iyo dagaalada halakeeyeen, dadkaas oo la sheegay inay kor u dhaafayaan ilaa 2-milyan oo qof oo ku baahsan gudaha Soomaaliya, kuna  haysato Biyo  iyo Baad la’aan.

Sidoo kale warbixintan ayaa  waxaan ugu tala galnay in aan shacabka Soomaaliyeed ugu gargaarno lacag ku dhow 3-milyan oo Dollar, taasoo loogu iibinayo raashin, daawooyin iyo biyo ay dadku cabaansidaas waxa lagu caddeeyey Warbixin ururka Islaamka.

Dhanka kale Qarammada Midoobay ayaa waxaa dhawaantan ay  sheegtay inaysan awood u lahayn inay gargaarka ay u baahan yihiin garsiiso dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna taasi ay sabab uga dhigtay inaysan tegi karin goobahaas hay’adaha gargaarka ee hoos taga QM.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa Gobollada dalka Soomaaliya ku dhufteen  abaaro iyo dagaallo sababtay in dadka iyo duunyadaba ay ku leedaan, iyagoo u dhimanaya cunno la’aan, iyo biyo la’aan, una sii dheer tahay nafaqo darro.

Si kasta ha ahaatee Dowladda KMG Soomaaliya, ururrada bulshada iyo Ururo diimeedka ka dagaalamaya Soomaaliya, sida Xarraka Al-Shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca oo ah maamullo ka jira dalka Soomaaliya ayaa waxay magacaabeen guddiyo caawiya dadka ay abaaruhu ku dhifateen ee ku nool deegaannada ay mid waliba ka taliyaan.

Balse waxaa jiray xilligan qaylo-dhaan caalamka loogu codsanaya sidii gargaar loola soo gaari lahaa  dadka ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya,hae yeeshee ilaa haatan ma jiraan  goob la gaarsiiyay gargaar ka yimid caalamka.

SoamliSwiss@hotmail.com

 

SomaliSwiss@hotmail.com

Copyright © 2011 SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info

%d bloggers like this: