Advertisements

Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Halkaan ka akhri

War uu noo soo diray Waryaha uga soo hadlo bogga SomaliSwiss dalka Ingiriiska ayaa sheeya in maanta uu ka furmay magaalada London ee dalka Britain shir ay Dowladda Ingiriiska ay marti gelisay oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan Hay’ado, Ururro Caalami ah iyo shaqsiyaad magac ku leh siyaasadda caalamka.

Hase yeeshee Shirkan oo maanta ka furmay magaalada London ee dalka Britain ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadda iyo ammaanka dalka Soomaaliya, ayadoo si gaar ah loogu falaqeyn doono hannaanka loo wajahi karo nabadeynta guud ahaan dalka Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay waxaa shirkan  uu socon doonaa laba maalmood, waxaana hay’adihii lagu soo casuumay kulankan ka mid ah UNPOS, Mareykanka, Midowga Afrika xubno metelaya, Dalalka deeqaha bixiya, kuwa daneeya arrimaha waddankan iyo siyaasiyiin magac leh sida Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koofi Anan iyo xubno kale.

Dhankakale shirka waxaa ka qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo R/wasaare ku xigeen ahan wasiirka arrimaha dibadda mudane Maxamed C/llaahi Oomaar.

Eng.“Yariisoow” oo ka mid ah wafdigaas ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ka qeyb galayaashu ay u gogol xaarayaan sidii siysaasad mideysan oo ku wajahan Soomaaliya loo abuuri lahaa, ayadoo arrinta ammaanka iyo dib u dhiska dalka qorshe ku saabsan laga hadli doono.

Sda uu Warbaahinta u sheegay La taliyaha R/wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka mid Wofdiga Soomaalida uga qayb galaya Kulankaas in qodob muhimsan oo looga hadlaya shirkan uu yahay  la dagaallanka kooxaha xagjira ee dagaalka ka wada gudaha dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale laga doodi doonaa arrimo kale oo ay ka mid tahay qorshaha nabadeynta dalka iyo qaabka loo wajahayo.

SomaliSwiss     London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: