Advertisements

Deegaanka Kalshaale oo uu ka qarxay dagaal gaystay khasaare baahsan.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Maamulka Somaliland iyo Maleeshiyaad ka tirsan yihiin Jabhadda SSC ayaa dagaal xoogan oo u dhaxeeyay waxaa uu ka dhacay deegaanka Kalshaale ee gobolka Sool.

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kalshaale ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in barqonimadii maanta ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland ee gacanta ku haya deegaankaasi iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Jabahadda SSC ay deegaankaasi.

Sida lagu soo warramay dagaalka ayaa bilaawday kadib markii Maleeshiyaadka hubaysan ay weeraro ku qaadeen Saldhig ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana wararka ay sheegayaan in dagaalka la’isu adeegsaday hub fudud iyo kan culusba.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ilaa iyo haatan ay dagaalkan ku dhintaa 2-qof oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa ayaa waxaana ku dhaawacmeen 4-kalana waxaana la sheegayaa in dagaalka dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Maleeshiyaadka Jabahadda SSC uu wali socdo.

Hase yeeshee ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamaya balse waxaa jira qaylo dhaan ka soo yeeraysa Culumaa’udiinka iyo Odayasha deegankaasi, kuwaasi oo dalbanaya in la joojiyo dagaalka maadama lagu jiro waqti abaar saamaysay dadka iyo duunyada ku nool Kalshaaale.

Si kasta ha ahaatee deegaanka Kalshaale oo u jirta  degmada Buuhoodle qiyaas ahaan 21-KM kaga beegan dhinaca Woqooyi ee gobolka Sool ayaa maalmihii las oo dhaafay ka socday dagaalo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo isku haya gacan ku haynta Kalashaale, inkastoo deegaankasi ay in muddo ahba gacan ku hayey ciidamo ka tirsan Somaliland.

SomaliSwiss     Kalshaale

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: