Advertisements

Burbur mar kale ku yimid Buundadii Liiq-liiqato ee magaalada Baladweyne.

Halkaan ka akhri

Buundadii Liq liqato ee magaalada Baladweyne  ayaa la sheegay inay shalay galab gabi ahaan ay bur burtay, taasoo 22-kii bishii Maaajo ee sanadkii 2010-ka la go’day gaari kuwa xamuulka qaada ah oo doonayay in uu ka gudbo Buundada.

Sida lagu soo warramay Bur burkan danbe ayaa ku yimid Buudada Liq liqato xili ay ka shaqeynayeen maamulka Xarrakada Al-Shabaab ee magaalada Baladweyne, kana wadeen Buundada howlo lagu dayactir ah, waxana la sheegay in Buundadu ay ku sugnaayeen markii ay burburaysay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Xarrakada Al-Shabaab ee magaalada Baladweyne.

Hase yeeshee dadweynaha ku nool magaalada Baladweyne ayaa si weyn uga naxay burburka mark ale ku yimid Buundada oo markii hore laheyd qeybo ay dadku mari karaan, balse waxaa haddalagama maarmaan ah in dadku ay adeegsadaan Doomaha ka shaqeeya hareeraha Buudada.

Si kasta ha ahaatee Maamulka Xarrakada Al-Shabaab ee magaalada Baladweyne ayaa kol hore ku guuleystay in dib u dayactiraan Buundada degmada Buula-burte oo burbur  ka muuqday, hase ahaatee waxay maalmihii ugu danbeeyay ku howlanaayeen sidii ay dhameystiri lahaayeen dhismaha Buudada Liq liqato ee Baladweyne inkastoo aysan suurta gal noqonin.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Copyright © 2011 SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info

Advertisements
%d bloggers like this: