Xarakada Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur oo Wiil yar ku fuliyay xukun gacan goyn ah.

Halkaan ka akhri

Maamulka Xarakada Al-shabaab ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii uu u xakamayn lahaa gacan ku haynta Degmada Ceelbuur oo ah Saldhigga Labaad ee xarakadaas, ka dib markii qulqulatooyin u dhexeeya, qaar ka mid ah horjoogayaasha xarakadaas oo dhowaan iskaga hor yimid maamulka deegaankaas.

Bandoow muddo saarnaa, Degmada ka dib ayay Maanta Xarakada Al-Shabaab xukun Gacan iyo Lug goyn ah ku fuliyeen nin ay sheegeen inuu sameeyay xatooyo, balse aal la xaqiijin run iyo been waxa ay tahay arrintaasi.

Fagaaraha uu ka dhacay xukunkaan ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo ka tirsan d adka deegaanka kuwaas oo laysugu yeeray inay isugu soo baxaan Fagaare degmadaas ku yaalla, waxaana xukunkaas fulintiisa lagu bilaabay nin dhallin yaro ah oo aanan helin magaciisa oo saxan.

Xaakinka  Maxkamadda Xarakada Al Shabaab ee magaaladda Ceelbuur ee gobolka Galgaduudnin la yiraahdo Sheekh Saciid “Sheekha” oo goobtaasi ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in wiilkaan dhalinyarada ah ay xukunka ku rideen uu xaday lacago uusan sheegin cadadka ay ahaayeen, isla-markaana wuxuu sheegay in uu wiilkaasi qirtay dembiga ay kusoo oogeen, hase yeeshee majirto cid xaqiijinaysa sheegashada xarakada.

Wuxuu ku hanjabay in ciddii ka hor timaada sharciyada maamulkaas ee u deggan degaanka ay ka taliyaan uu lakulmi doono ciqaab adag oo uusan sheegin nuuca ay noqon doonto, iyo shuruucda loo cuskan doono.

SomaliSwiss Wabxo

Somaliswiss@hotmail.com

Copyright © 2011 SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info

%d bloggers like this: