Advertisements

Xarakada Al-Shabaab oo xabsiga dhigtay ciidamo & taageerayaal Jameecada Takfiirka ah oo ku dhex jiray qeybaha xarakadaasi.

Halkaan ka akhri

Maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xabisga u taxaabay in ka badan boqollaal ka tirsan maleeshiyaadka xarakada iyo taageerayaal, kuwaas oo lagu eedeeyay inay sumcad darro usoo jiideen xarakada, kana tirsan yihiin Jameecada Tabliiqa.

Maamulka Xarakadaas ee degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shalay ilaa xalay xabsiga u taxaabay, boqollaal qof oo lasheegay inay isugu jiraan ciidanka Kooxdaas iyo dad taageera yaal ahaa, kuwaas oo laga kala qabtay meelo kala duwan oo ka tirsan Shabeellada Hoose.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Shabakadda Somaliswiss ka heleyso degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay xabsiga dhigtay, in ka badan 150 qofood oo badankood ka tirsanaa ciidamada xarakada, kadib markii lagu eedeeyay  inay ka mid yihiin dadka aaminsan mabda’a loo-yaqaano Takfiirka oo xarakadu sheegtay inay usoo hooyeen magac xumo.

Si kastaba ha-ahaatee xarakada Al-Shabaab oo horjooge-yaashooda badankood lagu eedeeyo inay aamin sanyihiin fikirka Takfiirka ayay arrintani u muuqataa mid sii kala fogeynaysa qilaafkii hore u soo jiitamayay ee u dhexeeyay madaxda xarakada oo u qaybsanaa laba garab, taas oo ay wararka qaar sheegayaan in dadka la qab qabtay ay ka tirsan yihiin garab ka mid ah kuwii hore isu qilaafsanaa.

SomaliSwiss Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Copyright © 2011 SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info

Advertisements
%d bloggers like this: