Waa sidee xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Waa iska caadi in magaalada Muqdisho ay ka dhacaan Dagaalo iyo duqeymo xoogan, dagaaladaas oo ay isaga horjeedaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dagaaladaan iyo duqeymahaan  oo dhaca maalin iyo habeen kasta ayaa ah mid aan loogu naxriisan dadka Rayidka ah, hase ahaatee waxa xalay iyo saakay ay  dagaaladaas ka kala dhacayn degmooyinnka Hodan, Howlawdaag iyo Boondheere kuwaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, AMISOM iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Sida lagu soo warramay dagaalo xoog badan  waxay xalay ka dhaceen xaafadda Busley ee degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, iyadoo xaafadahaasi laga maqlyay rasaas iyo madaafiic ay is weedaarsanayeen labada dhinac.

Hase yeeshee waxaa degmooyinka Hodan iyo Howlwdaag saakay ay ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Shabaab, kadib markii ay maleeshiyo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah degmooyinkaasi, waxana inta la’ogyahay dagalaadaasi ku dhaawcmay ilaa iyo 6 qof.

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka degan deegaanka Boondheere ayaa waxay Warbaahinta u sheegeen in xalay saqdii dhexe dagaalada ka dhacay degmadaasi uu wal wal iyo jahwareer uu ku abuuray dadka degan degmadaasi, waxayna sheegeen in saakay xaaladu ay tahay mid ka yara dagan marka loo eego dagaalkii xalay dhacay.

Xaaladda  magalada Muqdisho ayaa haatan yara dagan, Inkastoo  rasaas teel teel meelo fog fog laga maqlayo, iyadoona saacad waliba la iska filan karo inay ka dhacaan magaakada Muqdisho dagaal iyo duqeymo.

Ugu dambeyntii, Dhinacyada ku dagaalamay saacadihii ugu dambeeyay qeybo ka mid ah Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa wali goobahoodi isku  horfadhiya, maadaama ay haatan aanay  jirin wax dagaal ah.

Si kasta ha u dhacaanee dagaalada waxaa la yaab leh dagaalada kusoo laab laabanaya magaalada Muqdisho oo noqday mid murugo kusii abuuraysa shacabka Soomaaliyeed ee lagu kordagaalamayo,iyadoo dhinacyada isku hayan siyaasadda Muqdishana aan midkood ka nixin dhiiga ka baxaa dadka rayidka ah.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: