Maamulka goboleedka Puntland oo si cad uga soo horjeestay waqti kordhinta uu Baarlamaanka KMG Soomaaliya ansixiyay.

Halkaan ka akhri

Waxaa weli  nasoo gaaryaa wararka la xiriira go’aankii xildhibaanada Barlamaanka ee ay waqtiga ku dheeraysteen,  warkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in  Maamulka Goboleedka Puntland ay shaaca ka qaaday inay ka soo horjeedo waqti kordhisashada Baarlamaanka KMG Soomaaliya, waxayna ku tilmaameen inay tahay mid aan la qaadan kari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi-raxmaan Faroole iyo golaha wasiirada ayaa shalay  shir ka yeeshay arrintaasi, waxayna si cad ah u sheegeen inay ka soo horjeedaan kordhisashada Saddexda Sano ah ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya uu sameystay.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa si cad ah u cadeysatay inaysan aqbali doonin go`aan kasta oo ka soo baxa Dhanka Baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Golaha Wasiiradda ayaa isla meel dhigay inuu go`aanka Baarlamaanka Soomaaliya uu waqtiga ku kordhistay uu ka weecinayo wadda Habsami u socodka Waqtiga kala guurka.

Dhinaca kale, maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa kaloo uu taageero buuxa siiyay qoraalka dastuurka Federaalka, maadaama  uu Maamulka Puntland eedeyn kulul u soo jeediyay Dowladda KMG Soomaaliya inaysan arrintaasi si dhab ah u maamulaynin.

Si kasta ha ahaatee maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay inay si dhameystiran ula shaqeynayso guddiga diyaarinaya Qabyo qoraalkeedka Dastuurka, waxayna sheegeen  inay u gudbinayaan talooyin iyo arrimo kale oo muhiim ah oo Puntland kaga aadan Dastuurka.

SomaliSwiss        Garowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: