Ku xigeenka xog’hayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo ku amaanay ciidamada Uganda hawl-galada ay ka wadaan Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

James B. Steinberg oo ah  Ku xigeen xog’hayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka   ayaa xarunta  Madaxtooyada magaalada Entebbe ee dalka Uganda kula kulmay M/weynaha dalkaasi Yuweri Musaveni, wuxuuna amaan u soo jeediyey ciidamada Uganda hawl galka ay ka wadaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyey in Mareykanku uu taageerayo hawlgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Ku xigeen xog’hayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka   James B. Steinberg wuxuu sheegay in xukuumadda Washington ay la dhacsan tahay hanaankaa y ku shaqeeyaan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dawlada Uganda, wuxuuna intaa uu ku daray in ciidamadaasi ay mudan yihiin in loo mahad-celiyo.

waxaana uu intaa kudaray in xukuumadda Kampala ay dadaal ugu jirto dhameyn xasaradaha dalka geeska Africa ku yaala ee Somalia.

Sida uu sheegay James B. Steinberg in ciidamada AMISOM ay dagaalo kula jiraan urur argagixiso ah oo ku xiran Al-Qacida, wuxuuna tilmaamay in AMISOM ay mudan tahay in la taageero sidoo kale wuxuu sheegay in dawlada Mareykanku ay xoojinta ciidamada dawlada Midawga Africa ee AMISOM.

Sdoo kale Madaxweynaha Uganda Yuweri Musavani oo kulankaasi kadib saxaafadda war kooban siiyay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee Somalia ku jooga ay haatan ku hayaan 70 % magaalada Muqdisho waxaana uu xusan inay wadaan dadaalo ay ku doonayaan inay gacanta soo galiyaan ita kale ee mucaaradku ku sugan yahay.

Hase yeeshee  Madaxweyne Musaveni ayaa ku amaanay dawladda Mareykanka taageerada ay siiso wadamada iyo ciidamada Midawga Africa ee AMISOM wuxuu xusay in la’aantood aysan suuro gal noqoteen guulaha ciidamadoodu ka gaarayaan dagaalada Muqdisho.

SomaliSwiss        Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: