Ciidamada Badda wadanka India oo gacanta ku dhegay 50 qof oo Burcad badeed Soomaali ah.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Badda ee ilaaliya xeebaha dalka India ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen 50 qof burcad badeeda Soomaali ah oo watay dooni aad u dheeraysa, kadib markii israsaaseyn ay ku dhexmartay Koofur galbeed ee dalka Indiya.

Warka Wakaalada Wararka AFP ay ka soo xigatay Mas’uul ka tirsan  Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Indiya oo magacbiisa lagu sheegay M. Nambiar, ayaa waxaa uu sheegay in ay gacanta ku dhigeen ilaa 5o qof oo looga shakisan yahay in badankood ay yihiin burcad badeed, hase ahaatee Mas‘uulka ma’uusan sheegin dhalashada dadka la qabtay.

Sida lagu soo warramay  dadka la qabtay dhamaantood waxay saarnaayeen doon kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Taiwan taasi oo 6 bilood ka hor la afduubtay loona adeegsanayay afduubka Maraakiibta isticmaasha Badweynta Indiya, sidaas waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada difaaca ee dalka Indiya.

Sidoo kale War ka soo baxay Boliiska Magaalada Mumbai ee dalka Indiya ayaa sheegaya in burcad badeeda la qabtay la gaarsiyey magaaladaas si halkaasi su’aalo loogu weydiiyo.

Dhanka kale qabashada kooxahan burcad badeeda Soomaalida ayaa timid kadib markii ciidamada Indiya ay ka heleen baaq Shaqaalaha Markab uu ka dul-babanayay calanka Gariiga, kaasi oo meel 100 meyl u jirta galbeedka xeebaha gobolka Kaveratti laga soo weeraray.

Hase yeeshee Ciidamada badda ee dalka Indiya ayaa isku dayay in ay u gurmadaan markabkaasi la weeraray iyagoona hallkaasi kala kulmay tacshiirad iyo israsaaseyn aad u xoogan oo soconeysay mudo daqiiqado ah taasi oo u suurta galisay ciidamada Hindiya in ay gacanta ku dhigaan burcad badeeda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa la filayaa in dalka Indiya Maxkamad lagu soo taago ilaa 15 burcad badeed ah, oo isugu jirta  12 Soomaali ah, 2 Ethiopia iyo Hal Kenyaan ah kuwaasi oo ciidamada indiya ay gacanta ku dhigeen bishii la soo dhaafay ee Jannaayo kadib markii ay weerareen doon Kaluumeysi oo laga leeyahay dalka india.

SomaliSwiss Mumbai

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: