Wafdi uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo booqasho howleed ku tegay dalka Ingiriiska.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna R/wasaare ku xigeenka Md Max’ed C/laahi Oomar oo Booqasho howleed ku tegay magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankaas.

socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ku wajahan sidii ay uga qayb gali lahaayeen shir muddo sadax maalin ah soconaya oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, kaasi oo lagu wado in uu ka furmo deegaan ka baxsan magalada London ee dalka Britain.

Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Soomaaliyed ee dalka Britain Cabdi Cumar Cali ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in shirkaasi uu yahay mid heerka caalami ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska isagoo tilmaamay in wafdiga Soomaalida ay kulamo la qaadam doonaan dad metelaya qurbo joogta Soomaaliyeed.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: