Halkaan ka akhri
Sheikh Fu’aad oo ka mid mas’uuliyiinta sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa shaac ka qaaday in dhiigooda uu banaan yahay ciidamada iyo ciddii la shaqaysaa dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM wuxuuna sheegay  inay bartilmaameedsanayaan dadkaasi.
Sida lagu soo warramay Sheikh Fu’aad Max’ed Qalaf ayaa wuxuu qudbad ka jeedinayay Masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka hadlay qodobo ku aadan dilalka loo gaysanayo dadka la shaqeeya AMSIOM iyo dowladda KMG Soomaaliya.
Sheikhu wuxuu ugu horeyntii uu sheegay inuu banaanba yahay dhiigooda iyo Maalkooda qofka la shaqeeya AMISOM iyo dowladda KMG, waxaana ka furan xaasaskooda, sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay in meel kasta oo lagu arka dadkaasi ay yihiin in la dilo.
Dhanka kale Sheikh Fu’aad Max’ed Qalaf ayaa  sidoo kale sheegay in dhiigooda ay banaan yihiin dadka ku doodaya in AMISOM ay si sharci ah kusoo gashay dalka Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabab ay sii wadayso dagaalada ay kula jirto AMISOM iyo dowladda, wuxuuna caddeeyey inaysan jirin cid ay ka aqbalayaan joojinta dagaalada ay kula jiraan kuwa diidan in diinta islaamka wax lagu xukumo.
hadalka ka soo yeeray Sheikh Fu’aad Max’ed Qalaf  ma ahan kii ugu horreeyey ee Xarakada Al Shabaab ay ku dhawaaqdo inay bartilmaameedsanayaan dadka u shaqeeya AMISOM iyo dowladda KMG waxaana dad badan dil loogu gaystay gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.