Diidmada Mooshinkii ahaa muddo kordhinta ee ay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamanka oo isa soo taraysa.

Halkaan ka akhri

Waxaa dad badan oo Soomaali iyo dowladaha Caalamkaba ay la  yaaban yihiin Hab-dhaqanka Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ay ku kaceen, Kadib markii ay cod ku ansixiyeen Mooshinkii la xiriiray  jiritaanka Xildhibaannimadooda oo ay ku kordhisteen muddo sadax sano ah ayaa waxaa isa soo taraya Mucaardo xooggan oo ka horimaanaya arintaasi, si aad ahna loogu diidan yahay.

Ugu horrayntii Beesha Caalamka ayaa arrintaasi ka hortimid, waxayna ku tilmaantay muddo kordhintaasi mid laga xumaado,  hadaba waxaa arrintaasi iyana ka hor yimid Ahlu Suuna Waljameeca oo ku tilmaantay tilaabadaasi mid lagu curyuaaminaayo Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Max’ed Yuusuf Xeefow   ayaa sheegay in halkii ay ku mashquuli lahaayeen in ay iyaga watiga kordhistaan looga baahanaa inay  ku mashquulaan wax qabad iyo soo celinta ammaanka dalka.

Hase yeeshee Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca ee Gobollada dhexe  waxa uu sheegay in Baarlamaanka iyo dowladda KMG ahba inaysan waxba qaban muddadii ay jireen, wuxuuna u soo jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya inay ka fiirsadaan go’aankaasi ay ku dhaqaaqeen.

SomaliSwiss  Cabudwaaq

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: