Halkaan ka akhri
Dhowr Waddan oo ka tirsan Caalamka oo ay ka mid yihiin Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa ka walaacsan xaaladda ka guurka Siyaasadda Soomaaliya halka ay ku socota, waxayna si aad ah uga soo horjeestay waqti kordhintii Barlamaanka ay Xildhibaanadu ku kororsadeen inay sii jirayaan, taasi oo lagu micneeyey Ri‘ Is-nuugtay.
Stefano A. Dejak oo ah Ergayga gaarka ee dowladda Talyaaniga u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo Warqad qoraal ah soo saaray ayaa wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii Barlamaanka KMG Soomaaliya ay ku kordhisteen mudada 3-da Sano ah, isagoo tibaaxay in kaasi oo uu ahaa mid lagu deg degay oo aan wax wada tashi ah laga samayn.
Ergayga gaarka ee dowladda Talyaaniga Mudane Stefano ayaa wuxuu Warqaddaasi ku yiri: “Dowladda Talyaaniga si aad ah ayay ugu soo horjeedaa go’ankan, waxaana laqabna fikirka ay qabaa dowladaha kale iyo QM, kani waxaa uu ahaa go’aan aan laga fiirsan, waxaana loo baahan yahay in wada shaqayn ay jirto, waxaa ay DKMG iyo barlamaankeeda ay dhaga ka faraysteen warkii ka soo baxay Ururka Midowga Afrika ee kulanka ku yeeshay magaalada Addisa’Ababa”.
Sidoo kale Ergayga gaarka ah ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mat Baf ayaa wuxuu sheegay in Xildhibaanada ay abuureen khilaaf cusub ee dhexmara kara ma’uuliyiinta Soomaalida, wuxuuna ku tilmaamay go’aankii barlamanka KMG ee Soomaaliya mudada 3-da sano ah ay ugu kordhiyeen waqtigoodii uu yahay mid aan bulshada Soomaaliyeed ay raali ka noqon karin, wuxuuna sheegay in dowladda Ingiriiska ay si aad ah ugu wal walsan tahay go’aanka ay qaateen Xildhibaanada Barlamaanka.
Dhanka kale Mart Bath ayaa sheegay in loo baahan yhay in shacabka Soomaaliyeed, barlamaanka, dowladda KMG iyo dunida inteeda kale ay wada shaqayn dhexmarto haddii kale wax waliba ay noqonayaan in loogu deg dego, kadibna uu imaad burbur kale oo cusub.
Ergyaga gaarka ee dowladda Ingiriiska u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mat Baf arrintaa sii faafaahinayey wuxuu yiri: “ Waa go’aan lagu dag dagay, waxaan kasoo horjeednaa qaabka ay wax u dhaceen, hase ahaatee, waxaan fursad siinaynaa in barlamanka ay dib isugu noqdaan, wada hadalna ay sameeyaan”.
Hase yeesheewarka ka soo kala yeeray dowladaha Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa uu daba socdaa go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika, kaasi oo ahaa in wax laga xumaado ay tahay gabi ahaamba go’aankii ay qaateen gudoonka barlamanka KMG ee Soomaaliya.
SomaliSwiss Roma
Filed under: Italy |
You must be logged in to post a comment.