Waa sidee xaaladda Muqdisho Xalay iyo Maanta?

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo u dhexeeyey ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaabaya ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab, waxaana maanta lagu soo warramayaa in sii kordhayan khasaaraha ka dhashay Isha horimaadkaas.

Sida uu noo soo sheegay Wakiilka SomaliSwiss ee magaalada muqdisho waxaa dagaalkaas ku Nafwaayey 5-qof oo rayid ah in kabadan 15-kalena way ku dhaawacmeen kuwaasi oo u badnaa ganacsato ku sugneyd Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, kadib xalay ay ka dhaceen nawaaxigaas dagaalo iyo duqeymo Al Shabab iyo ciidamada dowladda oo kaabaysa AMISOM uu ku dhexmaray xaafado ku yaala degmooyinka C/casiis iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

Dadkii ku sugan deegaangada uu  ka dhacayey dagaalada xoogga badnaa, gaar ahaan nawaaxiga wasaaradda arimaha gudaha, Isgoyska Boondheere iyo Xaafadda Busley oo ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab ayaa Saxaafadda u sheegay in ay dagaaladaas bilaawdeen kadib markii Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen fariismaha ciidamda dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmooyinkaas.

Dhanka kale isgoyska Sanca ayaa  ka mid ah Isgoysyada ku yaala magalada Muqdisho oo aalaaba ka dhaca dagaalada ka dhaca magaalad Muqdisho, waxaana ku dhacay dhowr madfac oo is xigtay, taasi oo keentay inay ku geeriyoodaan dad ku dhow 5 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 15-qof kale oo u badnaa ganacsato ku sugnayed isgoyskaasi.

Hase yeeshee ilaa haatan ma cadda khasaaraha soo kala gaaray dowladda, AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab oo dagal xoogiisu ku dhexmaray xaafado ku yaala degmooyinka C/casiis, Boondheere iyo Shibis ee gobolka Banaadir oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada AL Shabaab iyo ciidamada dowladda oo taageero ka helayso AMISOMhase ahaatee waxaa maalmihii u dambeeyay ku soo noq noqday dagaalada iyo duqeymaha dadka rayidka ah ay wax ku noqdeen, haddana dhinac ee dagaalamayana  ay guulo kala  sheeganayaan dagaaladaasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: