Sirta dowladda KMG ah aysan dooneyn inaad ogaato… Khilaafka IGAD Vs Mareykanka ee Shirkii Addis Ababa ee arrimaha Somaliya.

HOOS KA AQRI KHUDBADDII MAREYKANKA SOMALI-ENGLISH

Halkaan ka akhri

Shirarkii ugu dambeeyay ee  IGAD iyo Midowga Africa, Mareykanka iyo Yurub waxaa ka soo dhex muuqday khilaaf weyn inuu soo kala dhex galay wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo IGAD, waxayna taasi soo ifbaxday markii kala fikir duwanaasho xoogan laga dareemay warbixinadii ay soo saaren iyo khudbadihii madaxda dowladaha.

Go’aankii IGAD ee ahaa in Baarlamaanka xilka loo kordhiyo oo ayey wada diideen adduunka oo dhan marka laga reebo wadamada IGAD qaarkood, hase yeeshee taas bedelkeeda, waxaa isla markiiba Kenya looga yeeray gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan qarsoodiya halkaas kula yeeshay safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya, kaas oo aan la ogeyn wixii ay ka wada hadleen laakiin ficilkooda laga dareemi karo.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa safar wejiyo badnaa oo uu Kenya ku tegay dhowaan ka dib markii uu dalka kusoo laabtay isugu yeeray baarlamaanka ka dibna si deg deg ah, ka ansaxsaday in baarlamaanka loo kordhiyo waqtiga muddo Saddex Sano ah, hase yeshee arrintaas waxaa diiday ilaa iyo hadda inta badan qeybaha kala duwan ee Soomaalida, iyo caalamka, gaar ahaan kuwa arrimaha Soomaaliya saameynta ku leh sida Mareykanka, EU, QM iyo wadamo kale oo badan.

Halkaan ka aqri, Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobvay u qaabilsan Soomaaliya oo arrintaas ku dhuftay, halka dowladda Mareykankuna ay sheegtay in dowladda KMG xilligeedu waqtiga uiu dhamaanayo sanadkaan wixii ka dambeeya arrimaheedu ay u wada taallo qeybaha ay wada quseyso oo dhan. Qudbadda uu jeediyay wasiir ku xigeenka Mareykanka oo dhameys tiran meesha ugu dambeysa boggaan ka aqri, iyadoo Soomaali ah.

Warka dowladda Mareykanka oo English ah, ka aqriso halkaan ama Riix Halkaan ka aqri Warka Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka:

Wararkii ugu dambeeyay maanta ee Mareykanka iyo Somaliya oo English ama Somalia ah: Halkaan Riix

Dowladda Mareykanka ayaa si cad u sheegtay in xilka hay’daha dowladda KMg ah ee Soomaaliya uu ku egyahay bisha Agust ee sanadka 2011, iyadoo loogu baaqay in hay’adaha dowladdu in waqtiga u harsan isku mashquuliyaan, wax qabad dhab ah, dib u heshiisiin, iyo mideynta umadda Soomaaliyeed.

Khudbad uu ka jeediyay shirkii madaxda IGAD, James B. Steinberg oo ah  Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibedda ee Mareekanka taas uu ka hor akhriyay, kulankii gaarka ahaa ee Madaxweeynayaasha Ururka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo QM uga arrinsadeen siyaasada murugsan ee Soomaaliya ayay mareykanku si cad ugu sheegeen, in Hay’adaha dowladda KMG ah uu dhamaanayo Agust sanadkaan, isla markaana barnaamishka ku saabsan tilaabda xigta iyo wixii ka dambeeya xilliga dowladda KMg ah ay tahay talo u wada taalla oo ka dhexeysa, Soomaalida iyo saxiibadeeda caalamka, sida Qaramada midoobay, Mareykanka, EU, Africa iyo wadamada taageera Soomaaliya.

“Xilliga aynu ku jirno waxaa loo baahan yahay dib u heshiisiin, is kaashi iyo hadaf mideysan ka dhexeeya Soomaalida. Maadaama uu xilka DFKMGS ku egyahay bisha Agoosto 2011, DFKMGS waa in ay ku tilaabsataada wada tashi ballaaran ku wajahan Soomaalida oo idil iyo xulafada caalamiga ah ee ahmiyada u leh Soomaaliya si looga amba qaado heshiiskii Jibuuti loogana hortago khaladaadkii horey u dhacey. Lama ogolaan doono go’aan kaste oo ay DFKMGS kaligeed qaadato bisha Agoosto dabadeed.” ayuu yiri wasiir xigeenka arrimaha dibadda Mareykanka.

“waxaan dooneeynaa in aan ka hor tagno shirar siyaasadeed aan dhamaad laheyn oo ay lacag tiro badan ku baxdo, gaar ahaan mid lagu qabto dalka Soomaaliya dibadiisa. Waxaan u baahan nahay in aan ka hor tagno burbur ku yimaada heykalka dowliga ah, hase yeeshee ma dooneeyno in ay hawluhu u socdaan sida ay hadda wax yihiin” ayuu yiri wasiirka oo hadalkiisa ku daray “Ayatiinka Dowladda KMG ah ee Somaliya waa in uu ku dhisnaado wada tashi oo ay u dhan yihiin Soomaalida, dalalka ugu muhiimsan ee ay saaxiibada yihiin, kuwa deeqda bixiya iyo QM.

African Union Summit High-Level Meeting on Somalia

ENGLISH: Halkaan ka aqri Warka Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka

Hoos ka Akhri iyadoo Soomaali ah:

Khudbadda Wasiir Xigeenka Mareykanka oo dhan Nuxurkeeda Qeybta Soomaaliya quseysa.

Remarks

James B. Steinberg
Deputy Secretary of State
UN Conference Center at the ECA
Addis Ababa, Ethiopia
January 31, 2011

Dowlada Mareekanka waxeey dooneysaa in in ay Ururka Midowga Afrika, IGAD iyo QM uga mahad celiso qaban qaabada shirkaan oo ku beegan xilli Xaaladda Soomaaliya aad iyo aad xasaasi u tahay ama u adagtahay.

Soomaaliya oo lagu soo dabaalo nabad ka dibna dib u dhisid waa qorshe u baahan dadaal iyo gacan ku hayn dheer. dowladda Mareykanka si adag oo Qoto dheer bay  u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed una taageersantahay dadaalka ay Beesha Caalamka ugu jirto xasilinta Soomaaliya.

Hanjabaada Al Shabaab waxeey halis ku tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka deriska ay latahay Soomaaliya iyo guud ahaan Beesha Caalamka oo dhan.

Al -Shabaab waxeey si isdaba joog ah u argagaxgelinayaan oo qal qal ula dul taagan yihin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka rayidka ah ayagoo u adeegsanaya falal ay ka mid yihin dhac, hanjabaad, dil, jir dil, iyo Caruurta oo ay Askareynayaan, iyagoo is hortaagay gargaarka bani adanimada ee daruuriga ah.

Burcad badeeda Soomaaliya waxeey khalkhalisa marin biyoodka, ganacsiga iyo hor u marka gobolka. Lacagta laga helo madax furashada maraakiibta waxeey halis ku tahay Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah iyo caalamka. 

Hawlgalka AMISOM waa muhiim. Waxaan taageersanahay ballaarinta hawlgalada AMISOM, hasa yeeshee waxaan si cad ugu baahanahay hay’ado dowladeed oo sal ballaaran, kuwaas oo ay ku midaysan yihiin Soomaalida, islamrkaana hogaanka u hayaan dad mas’uul ah oo dabooli kara baahida shacabka Soomaaliyeed.

Inkasta oo aan rajo weyn ka qabnay, isla markaana ku haminaynay inay howl wax tar leh qaban karto Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, hadana aad baan uga niyad jabney horumar la’aanta iyo wax qabad la’aanteeda.

DFKMGS waa in ay sare u qaada hawsheda, isla markaana la dagaalantaa musuqmaasuqa, una  adeegtaa shacabka Soomaaliyeed. Abaarta kulul ee ka jirta Soomaaliya oo kordhineysa dhibaatada baaxadda wayn’an ay la il daran yihin dan yarta Soomaaliyeed si wax looga qabto oo ay suurto gal u noqoto in la kaalmeeyo dadka dhibaateysan.

Xilliga aynu ku jirno waxaa loo baahan yahay dib u heshiisiin, is kaashi iyo hadaf mideysan oo ka dhexeeya Soomaalida. Maadaama uu xilka DFKMGS ku egyahay bisha Agoosto 2011, Dowladda KMG ah waa in ay ku tilaab sataa  wada tashi ballaaran oo ku wajahan Soomaalida oo idil iyo saaxiibada caalamiga ah ee ahmiyada u leh Soomaaliya si looga amba qaado heshiiskii Jibuuti loogana hortago khaladaadkii horey u dhacey. Lama ogolaan doono go’aan kaste oo ay Dowladda KMG ah kaligeed qaadato bisha Agoosto dabadeed.

Sidoo kale waxaan dooneeynaa in aan ka hor tagno shirar siyaasadeed aan dhamaad laheyn oo ay lacag baxdo ku baxdo gaar ahaan mid lagu qabto dalka Soomaaliya dibadiisa. Waxaan u baahan nahay in aan ka hor tagno burbur ku yimaada heykalka dowliga ah hasa yeeshee ma dooneeyno in ay hawluhu u socdaan sida illaa iyo haddeer (business as usual). Ayatiinka DFKMGS waa in uu ku dhisnaado wada tashi oo ay u dhan yihiin Soomaalidu, dalalka ugu muhiimsan ee deeqda bixiya iyo QM.

Waa in aan ka amba qaadnaa natiijada yar ee la gaarey labadii sano ee la soo dhaafey. Waana in aan ballaarinaa sarena u qaadnaa geedi socodka horseed u noqon kara degenaashada Soomaaliya.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

Copyright © 2011 SomaliSwisstv.com iyo SomaliSwiss.info

%d bloggers like this: