Shariif Xasan: “Baarlamanka waqti kale laguma kordhin doono, kan hada loo kordhiyay maahee.

Halkaan ka akhri

Gudoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa waxaa uu Warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Baarlamanka aan waqti kale loo kordhin doonin kan hada loo kordhiyay maahee, sidoo kale wuxuu  dhinaca kale faah faahin ka bixiyay sababta keentay in waqti loo kordhiyo barlamanka.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa uu maanta ka soo baxay xafiiska Gudoonka Baarlamanka KMG Soomaaliya, wuxuuna ka koobnaa dhowr qodob oo ku saabsanaa mudo kordhinta ay shalay ansiyxiyeen Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya taasi oo ahayd in mudo 3-ano ah lagu kordhiyo waqtiga barlamanka.

Sidoo kale Warsxaafadeedkan ayaa la sheegay in laga bilaabo 3-da February ee sandka 2011-ka uu Barlamaanka wax ka badali doono howlahiisa shaqo iyo in gudoonka sare ee barlamanka uu samayn doono qorsho howleed cad islamarkaana leh waqti uu ku egyahay.

Dhanka kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu xusay in barlamanka uu dabagal joogta ah ku samayn doono howlaha Xukuumadda KMG iyo wax ka qabashada amniga dalka taasi oo lagu sheegay in loobaahanyahay in si wad jir ah wax looga qabto xaaladaha amaana ee Soomaaliya.

Waxaa warrsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in in mudada 3-da sano ah ee loogu duray Mudanayaasha barlamanka waqtigooda ay ka bilaabanayso 22 Augost 2011-ka, kuna eg 22 August 2014-ka, iyadoo lagu shaaciyay warsxaafeedka in mark kale aan la kordhin karin waqtiga uu shaqaynayo barlamanka Soomaaliya ee iminka jira.

Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasi oo xililgaasi ku jeeday dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo uu sheegay in uu kulamo xasaas ah la qaadan doono Mas’uuliyinta ugu sar sareysa dowladda dalka Jabuuti. Warsaxaafadeedka ayaa waxaa warbaahinta u aqriyay

Gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu sheegay in mudada loo kordhiyay Mudanayaasha Barlamanka rlamanka ay timid iyadoo xiligaan aysan suurta gal aheyn in la helo dariiq iyo nadaam lagu badalo Barlamaaka hadda jira sida, Doorsho xor ah ama wadiiqo kale oo lagu dooran karo Barlamaan cusub.

Si kasta ha ahaatee Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu ugu dambeyntii ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay dowladda KMG ay ka gacan siiyaan sidii dalka ay ugu soo celin lahayd nabad iyo xasilooni, wuxuuna  ku booriyay dowladaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee taakuleeya dowladda inay ka gacan siiyaan barlamanka sidii uu dalka ugu soo celin lahaa sharafkii uu lahaa.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: